DALKA IRAAN OO U HANJABAY DALKA CIRAAQ.

SAWIRKA GEN.ESMAIL MADAXA XOOGAGA QUDUS.

(BAQDAAD)-Dalka Iraan waxaa weli ka socdo banaanbaxyadii ka dhashay geeridii Mahsa Amini muddo hadda laga joogo in ka badan hal bil,banaanbaxyadaan ayaa waxaa gadaal ka taagan dawlado shisheeye balse dalka Iraan ayaa waxa uu ku dhegan yahay wadamadda deriska ah sida dalka Ciraaq,hadaba sarkaa sare kana tirsan ciidamadda militeriga dalka Iraan Gen.Esmail Ghaani ayaa booqday magaaladda Baqdaad ee ah caasimadda dalka Ciraaq todobaadkan,Gen.Esmail ayaa u hanjabay masuuliyiinta reer Ciraaq oo waxa uu ku dhahay dalka Iraan waxa uu qaadi doonaa hawgalo uu ku baacsanaayo Kurdiyiinta reer Ciraaq haddii eysan ciidamadda Ciraaq ka qeyb qaadan hawlgalada lagu joojinaayo weerarada Kurdiyiinta ey ka gaysanayaan gudaha dalka Iraan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SOMALIYA OO LA KORDHIYEY WAQTIGA CUNAQABTEYNTA HUBKA…

Next
Next

BAM LAGU WEERARY BOOLIS.