DALKA IMAARAATKA OO CAMBAAREEYEY DHIMASHADA IYO DHAAWACA SHAQAALAHA MARKABKII LA SII DAAYEY.
(MUUQAALKA)-MARKAB.
(DUBAI/UAE)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray shaqaale saarnaa markabka shidaalka ee MT Honour 25, kaas oo burcad-badeed ay afduub ku haysteen, kadib markii lagu soo furtay howlgal ka dhacay xeebaha Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in dhimashada iyo dhaawaca shaqaalaha markabka ay yihiin khatar weyn oo ku wajahan amniga badda iyo badqabka waddooyinka ganacsiga caalamiga ah. Markabka MT Honour 25 ayaa Talaadadii lagu soo furtay howlgal ka dhacay deegaanka Dharin-Bar, oo ka tirsan degmada Bandar Beyla ee Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland. Sida laga soo xigtay maamulka Puntland, shan ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa lagu dilay howlgalka, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen. Shaqaalaha markabka ayaa ahaa dad u kala dhashay dalal kala duwan, waxaana la sheegay in dadka dhintay aysan ka mid ahayn muwaadiniinta Imaaraadka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadka ku dhintay dhacdada, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay shaqaalaha dhaawacmay. Imaaraadku wuxuu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga, loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha maraakiibta, loona ilaaliyo amniga iyo xasilloonida marinnada badda. MT Honour 25 ayaa lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya bishii Abriil, waxaana burcad-badeeddu gacanta ku hayeen ilaa howlgalka lagu soo furtay 29-kii Sebtembar 2026.
ISHA-HOL.