(MUUQAALKA)-CALANKA MECADONIYA.
(ATHENS/GREECE)-Hay'adaha sirdoonka Giriigga ayaa shaaca ka qaaday qorshe dil ah oo la sheegay in lagu bartilmaameedsanayo qof aan la garanayn oo ku sugan Giriigga, iyadoo shan muwaadin oo u dhashay Waqooyiga Makedoniya lagu tuhunsan yahay inay diyaarinayeen weerar lala xiriirinayo sirdoonka Iiraan lagu xiray hawlgal wadajir ah, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah maanta oo Talaada ah. Hawlgalkan ayaa daba socday baaritaan bilo socday oo ay ku lug lahaayeen hay'adaha sirdoonka ee Giriigga, Waqooyiga Makedoniya, iyo Galbeedka, kuwaas oo la sheegay inay aqoonsadeen shabakad shan muwaadin oo u dhashay Waqooyiga Makedoniya oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weerarka, sida uu ku warramay wargeyska toddobaadlaha ah ee Giriigga Tovima. Warbixintu waxay sheegtay in shan muwaadin oo u dhashay Waqooyiga Macedonia lagu tuhunsan yahay inay diyaarinayeen weerar argagixiso oo ay ku qaadeen muwaadin Iiraani ah oo lala xiriirinayo hay'adaha sirdoonka Iiraan. Shan muwaadin oo u dhashay Waqooyiga Macedoniya ayaa la xiray intii uu socday howlgalka, iyadoo afar ka mid ah lagu xiray Waqooyiga Macedoniya, kan shanaadna lagu xiray Giriigga ka hor inta aan dib loogu celin Waqooyiga Macedoniya Noofambar 12. Bartilmaameedka la doonayay lama aqoonsan, halka dhammaan shanta tuhmane ay qirteen inay la shaqeynayeen muwaadin u dhashay Iiraan oo lagu magacaabo Edris Jahangiri Mavaneh, sida laga soo xigtay wargeyska Giriigga. Warbixintu waxay ku dooday in sida laga soo xigtay Hay'adda Amniga Qaranka ee Waqooyiga Macedonia, Mavaneh uu xiriir la leeyahay shaqsiyaadka ku jira hay'adaha amniga iyo sirdoonka Iiraan. Baaritaanku wuxuu billowday dabayaaqadii Febraayo ama horraantii Maarso, sida lagu sheegay warbixinta.
ISHA-AA.