DALKA BAKISTAAN OO WAR KA SOO SAARAY WEERARKII DHACAY MAANTA.
(SAWIRKA)-ASKERI JOOGA XUDUUDA.
(KARACHI/PAKISTAN)-Dalka Bakistan ayaa ku dhawaaqday inay fulisay waxa ay ku tilmaantay hawlgallo milatari oo "sax ah" oo ka dhacay gudaha dhulka Afgaanistaan, iyagoo sheegay inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan, ka dib waxa ay ugu yeertay weeraro argagixiso oo soo noqnoqda oo ka dhacay dhulka Afgaanistaan, iyo sidoo kale "daandaansi militari" oo ay Taliban sameeyeen habeenkii Febraayo 26. War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Bakistan ayaa lagu sheegay in ciidamada Bakistaan ay bartilmaameedsadeen "kooxaha argagixisada iyo saldhigyada taageerada saadka" ee gudaha Afgaanistaan, iyagoo "khasaaro culus" u geystay, taasoo ka jawaabeysa weerarro ay qaadeen kooxo ay Islamabad ku tilmaantay "fallaago Kharijit" iyo "fallaago Hinduu ah".
“JAWAAB LA XISAABIYEY OO GO’AAN QAADASHO LEH”:
Dowladda Bakistaan ayaa sidoo kale xaqiijisay in ficilladeeda ay ujeedadoodu tahay xaqiijinta amniga iyo badqabka muwaadiniinteeda, iyo sidoo kale amniga gobolka, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in daandaansi kasta oo dheeraad ah oo ay sameeyaan Taliban ama isku day kasta oo ay kooxo hubaysan ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga Bakistaan "lagu soo bandhigi doono jawaab la cabbiray, go'aan qaadasho leh oo ku habboon." Islamabad waxay muujisay rabitaankeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo xustay inay hore u gashay dadaallo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si wax looga qabto waxa ay ku tilmaantay khatarta argagixisada ee ka soo ifbaxaysa dhulka Afgaanistaan. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku doodday in hindisaheeda si khaldan loo fahmay, taasoo keentay in weeraradu sii kordhaan, waxayna ku eedaysay Taliban, iyo sidoo kale Hindiya, inay taageerayaan kooxahaas. Bakistaan waxay ugu baaqday mas'uuliyiinta Afgaanistaan inay qaadaan tallaabo "la taaban karo oo la xaqiijin karo" oo ka dhan ah kooxaha hubaysan, iyadoo ku nuuxnuuxsatay inay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka ku habboon ee is-difaaca, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
KHILAAF MUDDO DHEER SOO JIRAY:
Xiriirka ka dhexeeya Kabul iyo Islamabad ayaa xumaaday ka dib khilaaf muddo dheer soo jiitamayay, kaasoo ka dhashay eedeynta Pakistan ee ah in Kabul ay hoy u tahay dagaalyahanno weeraro ka geysta gudaha Bakistan. Kooxda Taliban ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymahan, iyagoo u arkaya amniga Pakistan inuu yahay dhibaato gudaha ah. Waxaa xusid mudan in weerarrada ay ciidamada Bakistaan shalay ku qaadeen xarumaha dowladda Taliban ay yihiin kuwo aad u sii kordhaya isla markaana khatar gelinaya colaad muddo dheer ah oo ka dhacda xuduudda 2,600-km ah. Iska horimaadyadii labada dal ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay waxay sababeen dhimashada daraasiin askar ah, ka hor inta aan wadahadallo ay fududeeyeen Turkiga, Sacuudiga iyo Qadar kuwaaso lagu joojinaayo dagaalka labada dal ee Bakistaan iyo Afgaanistaan.
ISHA-AA.