(MUUQAALKA)-ASTAANTA CXDS.
(BALI-DOOGLE/SH/HOOSE)-Wararka laga helaayo dugsiga Tababarka Ciidamadda Kumaandooska ee Danab ee degaanka Bali-doogle ee degmada W/weyn, G/shabeelada Hoose DG KGS, ayaa sheegaayo in halkaasi ey ku sugan yihiin saraakiil sar-sare ey ka mid yihiin Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/L.Sare.Xasan Cali Nuur (SHUUTE) iyo Taliyaha Ciidamadda Lugta ee XDS Jinaraal Sahal Cabdulaahi (Khalid). Masuuliyiintaan ayaa soo gaaray Xerada Bali-doogle si ey u xaqiijiyaan waxyaabihii dhacay,iyo sababta keentay in ciidamada ey ka soo gaarto dhibaato mug leh dagaalkii dhacay 26/10/2026-kii, arrintaan ayaa waxaa ka dhashay in saraakiil ka tirsan ciidamada XDS loo taxaabo xabsiga si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dayacaada dhacday.
YAA QEYB KA AHAAY DAGAALKII LEEGO IYO JAMEECO?
Sida aan xogta ku helnay dagaalka ka dhacay Leego iyo Jameeco todobaadkii tegay maalintii Isniinta waxaa ka qeyb ahaa:
(1)-Ururk 165-aad ee dana,kuwa Gurmadka ee 161-aad, 164-aad iyo horinta Gaashaaman ee uyaguna ka mid ah Danab.
(2)-Laba Urur oo GorGor ah kuwaaso kala ah “2-aad iyo 4-aad”.
(3)-Ururka 12-aad ee Guutada 1-aad ee 12-aad.
(4)-Gutada loo yaqaano Jugta Culus, ee uu hogaamiyo C/risaaq.
(5)-Hal Urur oo ah ciidamadda Gaarka ah ee Xeradda Gordon.
SIDEE AYEY CIIDAMADAASI ISULA SOCDEEN?
Sida la sheegay ciidamadaan ayaa isula socday sidan soo socoto:
(1)-Ururka 165-aad ee Danab.
(2)-Ururka 2-aad ee GorGor.
(3)-Ciidamadda Gaarka ah ee Xero Gordon ee 131-aad.
Intaasi waxa ey ahaayeen kuwa joogay afka hore ee ciidamadda.
(1)-ururka 4-aad ee GorGor.
(2)-Ciidamadda Jugta Culus.
(3)-Guutada 12-ka Abriil, ee uu hogaaminaayey Halac. Taliyaha Guud ee ciidamadaan ayaa waxa ahaa G/Sare. Gaashaan, isaga ayaana ahaa bartilmaameedka Drone-ka, waxa uuna ku sugnaay bartamaha ciidamada socdaalka ahaa. Waqtiga weerarku dhacaayey taliyeyaasha ciidanka ayaa ka wada xaajooonaayey sidii ciidanka loo nasin lahaa. Dagaalka ayaa ku bilawday diyaarad Drone ah oo loo soo riday dhinaca saraakiisha Hogaamineysa ciidamada, waqtigaas ayaa la sheegay in Taliyeyaasha ciidanka iney ka wada hadlaayeen sidii ciidanka loogu heli lahaay goob ey ku nastaan bacdamaa ey soo galeen safar dhulka ah oo ku dhaw ilaa 100-kiiloomitir. Weerarka Khawaarijta ayaa isugu jiray mid dhinaca hawda aha oo loo isticmaalay Drone nuuciiso yahay kuwa isqarxiya ah, laba gaari ey ka buuxaan waxyaabhaa qarxa. Weerarkaan ayaa lala beegsaday ciidamada Danab ee ku sugnaay afka hore ii ciidanka, balse ma eysan dhicin in ciidamada Danab ey u dagaalamaan sidii lagu yaqiinay oo waxa ey noqdeen Gaashaan waran deeyey,waane midaas mida keentay in taliyihii hogaaminaayey Danab Korneyl. Aden Baaruud in loo diro Xeer Ilaalinta Ciidamadda Qalabka sida halkaasoo uu hadda ku xiran yahay. Sidoo kale, waxaa iyana jirta in Abaanduuliyihii Guutada 17-aad, Qeybta 1-aad ee ciidamadda GorGor Korneyl Xasan Kaafi isna uu ka mid yahay Saraakiisha hadda ku xiran xabsiga Xeer Ilaalinta Ciidamadda XDS. Waxaa kaloo jirta in iyagana baaris loo diray Taliyeyyaasha Ururada kala ah: (1)-Laba Taliye Urur oo ka tirsan 12-ka Abriil. (2)-Laba Taliye Urur oo ka tirsan GorGor. (3)-Laba Taliye Urur oo ka tirsan Guutada 16-aad ee ciidamadda gaarka ah ee Danab.
ISHA-WAKAALADDO.