DAGAALKII DAARU-NICAM EE SAAKAY.
CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saakay aroortii hore ka dhacay degaanka Daaru-nicam kana tirsan degmada Ruun -Nirgood ee Goboka Shabeelada Dhexe maamulka H/Shabeele,weerarka ayaa waxaa soo qaaday kooxda Alshabaab sida ey shegeen dadka degaanka waxa uuna weerarku ku bilawday Qaraxyo waxa eyna kooxdu gashay degaanka waxa eyna halkaasi ku dileen dad shacab ah,Askar iyo ciidamada Macaawisleyda ee ku sugan Daaru-nicma,ciidamada Macaawiisleyda ayaa la sheegay ineey jilibka u aaseen kooxdii soo weerartay ee Alshabaab,waxaane khasaaro lixaad leh uu soo gaaray kooxda Alshabaab. Taliyaha ciidamada lugta Gen.Biixi ayaa sheegay in ila 27-malayshiyada Alshabaab ah lagu dilay dagaalkii saakay ka dhacay Daaru-nicam,waxa uuna Gen.Biixi qiray in goobta dagaalku ka dhacay aysan joogin ciidamadda xooga dalka soomaaliyeed balse ey halkaasi u gaareen gurmad ahaan,warar aan la xaqiijinayaa sheegaayo in maalmo ka hor goobta la weeraray saakay ey ka soo bexeen ciidamadii laga keenay dalka Eritereya qeybtooda la keenay maamulka H/shabeele. Gudoomiyaha degmada Ruun-nirgood ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Daaru-nicam kooxda Alshabaab looga dilay tiro ka badan 28-dagaalyahan lagana dhaawacay tiro intaas ka baan.
ISHA WARKA SB-MEDIA.