DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADDA BAYDHABO.

(SAWIRKA)-TALIYE C/RAXMAN NISHAW.

(BAYDHABO/KGS)-Wararka laga helaayo magaaladda Baydhabo ee ah casimadda ku meel gaarka ah ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in maanta uu halkaasi ka qarxay dagaal laba jeer la isku laabtay. Dagaalka ayaa bilawday saakay saacadda Baydhabo markeey ahayd 8-dii subaxnimo, waxa uuna ku bilawday arrimo la xiriiro dhul sida ey dawladda KGS sheegtay, dhuulka ayaa ah mid Qaranku leeyehay horayne u ahaa Xarunta Wasaaradda Xanaanadda Xolaha, dhulka ayaa waxaa degaany Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ee Lixdanaad, Qeybta 8-aad laguna magacaabo C/raxmaan Nishaw. Goobta dagaalka uu ka bilawday ayey dad goobjoogayaal ku sheegeen iney tahay Suuqa Xoolaha ee degamada Baydhabo, waxa uuna dagaalka saameeyey Onkod, AL-Camaara iyo Jidka 30-ka. Dagaalka ugu adag ayaa ah midkii bilawday galabta casirkii saacadda baydhabo markey ahayd 3-da galabnimo, dagaalkan ayaa ahaa mid ey labada dhinac heleen kaalmo waxa eyna sababtay iney korodho dhibaatada soo gaareysa dadka shacabka ee halkaasi degan. Waraysi uu Taliye C/raxmaan Nishaw siiyey Idaacadda Shebeele ee Muqdisho ayuu ku sheegay in isaga la soo weeraray uuna iska difaacay kooxdii isaga soo weeraratay, balse Afhayeenka Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Ibrahim Bandhabaw ayaa sheegay in la soo afjaray kooxdii Mooryaanta ahayd ee isbaaradda u tiilay wadooyinka, waa sida uu isaga hadalka u dhigay. Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu gelinkii dambe ee maanta uu gaaray hoyga uu magaaladda Baydhabo ka degan yahay Wasiirka Xanaanadda Xoolaha ee XFS Md.Xasan Eelaay, wararkuna waxa ey sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaalkii ugu cuslaay, waxaane la soo werinayaa in ciidmadda degan hoyga Wasiir Eelaay iney u awood u sheegteen kuwii ka socday DG KGS kana koobnaay Daraawiishta, NISA iyo Booliska. Khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Baydhabo ayaa ah mid aan weli waxba laga sheegi karin waayo waxaa magaaladda ka go’an gebi ahaan Isgaarsiintii mana jirto cid hadda la xiriiri karta,balse dadka reer Baydhabo oo ka hadlay dagaalka maanta ayaa sheegay inuu ku dhaawacmay Wasiirka Maaliyadda ee DG KGS Md. Axmed Maxamed Xuseen ka dib markii xabad habaw ah ey ugu tagtay halkii uu magaaladda Baydhabo kaga sugnaa. Dhinaca kale, dagaalka Baydhabo ayaa waxaa ka hadlay Siyaasiyiin ka soo jeedo KGS eyna ugu horeeyaan Xildhibaan C/laahi Black, Xildhibaan Mukhtaar, masuuliyiintaan ayaa eedeyn culus dusha ka saaray Madaxweynaha KGS Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxa eyna ku tilmaameen inuu yahay dagaal ooge waqti xileedkiisa uu dhammaaday. LA SOCO WIXII INAGU SOO KORDHO.

SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

MASAR IYO TURKIGA OO KA HADLAY XAALADDA BADDA CAS.

Next
Next

MAAMULADA JUBALAND IYO PUNTLAND OO SABAB U NOQDAY FASHILKA SHIRKII MAANTA.