DAGAAL CULUS OO KA QARXAY MAGAALADDA BOORAMA.

(SAWIRKA)-BOORAMA.

(MUQDISHO)-Dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay gudaha magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo iska horimaadku uu u dhexeeyo ciidamada Soomaaliland iyo shacabka deegaanka oo dibadbaxyo ballaaran sameeyay. Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii shacabku ay dhigeen bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Bandhiga Xeerka Ciise, oo ay Xukuumadda Soomaaliland ku dhawaaqday in lagu qabanayo magaalada Seylac. Dadka deegaanka ayaa sheegay in bandhiggaasi uu dhaawacayo dhaqanka iyo isu dheelli tirka beelaha gobolka. Inta lagu guda jiray bannaanbaxyadii  ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah kadib markii ciidamada ammaanka Soomaaliland ay adeegsadeen rasaas, taas oo sii kicisay caro iyo abaabul ay sameeyeen dhalinyaro hubeysan oo saaka dagaal kula baxay ciidamada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo qaar ka mid ah xaafadaha Boorama laga maqlayo dhawaqa rasaas culus. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda, maadaama ay adagtahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliland ama odayaasha dhaqanka ee gobolka oo ku saabsan xaaladda cusub, balse bulshada ayaa cabsi xoog leh ka qabta in dagaalku sii fido. Xaalada Boorama ayaa ah mid weli kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul shacab uu weli magaalada ka socdo. Dhinaca kale,fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu gacan qaaday labad Xildhibaan oo ka soo wada jeedo Soomaaliland kuwaaso ku kala aragti duwanaaday arrimaha ka soo kordhay G/Awdal ee Soomaaliland,waxaane ciidamadda amaanka ee Golaha Shacabka la amray iney labada Xildhibaan ka saaraan fadhiga maanta si fadhiga uu halkiisa uga sii socdo,lama oga talaabadda xigta uu Gudoonka Golaha shacabka ka qaadi doono labadaan Xildhibaan ee ku dhex dagaalamay Gudaha Golaha.

XIGASHO-RISAALA.

Previous
Previous

TALIYE MACALLIN MAHDI OO DIGNIIN ADAG U DIRAY…

Next
Next

BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA OO DEYNTA KA DHIMAY SOOMAALIYA.