DADKII XALAY LAGU XASUUQAY XEEBTA LIIDO OO GAARAY..

(SAWIRADDA)-DADKII XALAY LAGU XASUUQAY XEEBTA LIIDO.

(MUQDISHO)-Habeenkii xalay abaarihii tobankii fiidnimo waxaa weerar ku bilawday Qarax uu ka dhacay Xeebta Liido meel si aad ah ugu dhaw Hotelka Beach View,goobtaas la weeraray ayaa waxaa ku sugnaay dad u badan dhallinyaro isaga kala timid magaaladda Muqdisho dacaladeeda kuna sheekeysaneysay halka lala beegsaday Qaraxa uu fuliyey Naftii Halige isku soo xiray waxyaabaha Qarxa. Qaraxa ka dib ayey seddex ka mid ah Maleeshiyadda Alshabaab waxa ey gudaha u galeen Hotel-ka Beach View waxa eyna bilaabeen iney toogtaan dhammaan dadkii ku sugnaay gudaha Hotel-ka isuguna jiray dhallinyaro,Dumar iyo Caruur,taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir Jaraa’id maanta qabtay ayaa sheegay in dadka ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay Xeebta Liido ey dhan yihiin ilaa 32-Qof waxaane ku dhaawacmay 63-Qof,waxaane weli Isbitaaladda Muqdisho ey la tacaalayaan dhaawacyadii laga keenay Xeebta Liido,tusaale ahaan Isbitalka Somali Sudaness waxaa la keenay ilaa 14-Qof waxaa meyd ahaay markii la keenayey isbitaalka lix qofood waxaane dhaawac ahaay sideed kale,sida uu sheegay masuul ka tirsan maamulka Isbitaalka Somali Sudaness ee magaaladda Muqdisho. Dhinaca kale,waxaa aroornimadii maanta miino kula kacday inta u dhexeyso Jawhar iyo Balcad gaari Brobox ah ey la socdeen dad ehelkoodii ey wax ku noqdeen weerarkii xalay ka dhacay Xeebta Liido. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay dad u badan dumar iyo caruur isku ehel ah kuna socday Muqdisho welina lama soo saarin tirada dhabta ah ee wax ku noqotay Qaraxa ka dhacy halka loo yaqaano Gololeey. War ey soo saartay kooxda Alshabaab eyna ku baahisay warbaahinta iyada taabacsan ayey ku sheegtay in weerarkii xalay ey kooxdu ku qaaday Hotel Beach View ey ku dishay dad gaaraayo ilaa 54-Qof kuna dhaawcaday ilaa 87-Qof oo kale waa sideey hadalka u dhigeen,kooxda ayaa dadka ey xasuuqday ku sheegtay iney ahaayeen shaqaalaha DFS iyo saraakiil ciidan balse taasi ma aha mid sax ah waayo waan wada aragnay dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay. Ma aha markii ugu horeeysay ey kooxda Alshabaab ee xiriirka la leh Ururka AL-Qaacidda ey beegsato dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu yimid kulano ey naftooda nasiino ugu raadinayaan,15-kii bishii hore ee Luuliyo ayey ahayd markii kooxdu ey weerartay maqaayadda TOP COFFE halkaaso dhallinyaro fara badan ey ku daawanayeen cayaarta koobka Yuuro-2024-ka,weerarkaas ayaa wxaaa ka dhashay dhimasho dhaawac soo gaaray dhallinyaradii daawaneysay cayaarta Final-ka ahayd ee koobka Yuuro-2024-ka.

ISHA.SB-MEDIA.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILALKA KA …

Next
Next

JANAASO LAGU DUKADAY MEYDKII HANYAH.