DAD KU DHINTAY WABIGA U DHEXEYO KANADA IYO…
XUDUUDA KALA QEYBISA MARAYKANKA IYO KANADA.
(TRENTON-CANADA)-Ugu yaraan lix qofood kana kala yimid laba qoys ayaa ku haftay goor ey isku dayaayeen iney si sharci darra ah ku galaan gudaha dalka Maraykanka ayagoo u maraayo wabiga isku xira dalalka Maraykanka iyo Kanada ee St.Lawrence,waxaaane weli socda baaritaan lagu baadi goobaayo laba qofood oo kale oo dhibanayaal ah,sidaas waxaa sheegay maanta oo Jimca ah(31/3/23)-ka booliska Akwesasne Mohaw. Booliska ayaa rumaysan in dadka geeriyooday ey yihiin xubno ka tirsan qoysas u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Romaaniya kuwaaso isku dayaayey ineey ka gudbaan wabiga weyn ee kala qeybiya dalalka Maraykanka iyo Kanada.
ISHA WARKA AA.