DAB XOOGAN OO KA KACAY SUUQA WEYN EE BAKAARAHA.

(SAWIRKA)-GOOBTA GUBATAY.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dab xooggan ayaa maanta oo Talaado ah abaarihii 8:30-subaxnimo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, iyadoo qiiq madow oo aad u weyn laga arkayay qaybo badan oo caasimadda ah. Kooxaha Dab-demiska iyo Gurmadka Degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo ku guuleystay inay damiyaan dabka ka dib howlgal socday muddo saacado ah, taasoo ka hortagtay inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa. Bakaaraha waxaa ku yaalla boqolaal xarumo ganacsi oo kala duwan, waxaana dabkan uu cabsi weyn ku abuuray ganacsatada iyo shacabka ku sugan deegaanka, si gaar dabkaan waxa uu sameeyay qeybaha Elektarooniga lagu iibiyo. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in mas'uuliyiintu bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dabka, iyadoo sidoo kale la qiimeynayo baaxadda khasaaraha ka dhashay. Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay, mana jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed. Mid ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay dabka ayaa sheegay in wixii uu soo uruurinayay muddo 16 sano ah ay hal mar ku basbeeleen dabkii saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha. "Sheyna iima badbaadin maanta. Waxaan waayay hanti aan aruurinayay 16 sano. Murugo ayaan dareemayaa, waxaan noqday qof ceyr-toobay," ayuu yiri ganacsadaha. Suuqa Bakaaraha ayaa hore dhowr jeer u wajahday dabab sababay khasaare ballaaran oo soo gaaray ganacsatada, waxaana dhacdadan cusub ay mar kale soo nooleysay walaaca la xiriira badqabka dabka iyo diyaar-garowga gurmadka degdegga ah ee xarumaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho. Sida ey sheegeen hawlwadeenadda Dawladda Hoose ee Xamar dabka waxa uu qabsaday dhismo ka kooban seddex dabaq eyna ku yaaliin ilaa 29-qol oo lagu wada ganacsado,waxaa gubtay oo dambasta noqday ilaa 26-qol waxaane la badbadiyey 7-qol. Hawlgalkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay ilaa 8-debdeim, 2-ambalaas iyo 3-booyadood oo kuwa biyaha ah, deminta debkaan xoogan ayaa qaatay ilaa shan saacadood oo xiriir ah.

ISHA-HOL

Previous
Previous

DALKA HINDIYA OO XABSI DA’IN AH KU XUKUMAY BURCAD BADEEDA SOOMAALI AH.

Next
Next

MUQDISHO OO YEELATAY SHEYBAAR LAGU BAARO BIYAHA LA CABO.