CIRAAQ OO EY ISAGA BEXEEN CIIDAMADA AJNABIGA.

(MUUQAALKA)-DIYAARADA MARAYKANKA.

(BAGHDAD/IRAQ)-Isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii milatari ee uu muddo ka badan toban sano ka waday dalka Ciraaq, kaas oo si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 2014-kii, xilli ciidamada isbahaysiga loo diray Ciraaq iyo Suuriya si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish. Ciidamadii ugu dambeeyay ee isbahaysiga ayaa lagu wadaa inay Arbacada ka baxaan gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq, iyadoo bixitaankaasi uu qayb ka yahay heshiis ay sannadkii 2024 gaareen dowladda Ciraaq iyo Mareykanka, kaas oo lagu heshiiyay in si tartiib ah loo soo afjaro howlgalka isbahaysiga ee gudaha Ciraaq. Howlgalka isbahaysiga ayaa muddo sanado ah diiradda saarayay dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo taageerada ciidamada ammaanka ee Ciraaq, iyadoo isbahaysigu uu qayb ka ahaa dadaalladii lagu wiiqayay awoodda kooxdaasi ee Ciraaq iyo Suuriya. Bixitaanka ciidamada isbahaysiga ayaa astaan u ah dhammaadka marxalad milatari oo muddo dheer socotay, iyadoo mas’uuliyadda amniga gudaha dalka ay si weyn ugu sii wareegayso ciidamada iyo hay’adaha ammaanka Ciraaq. Heshiiska Baqdaad iyo Washington ayaa dhigayay in howlgalka isbahaysiga ee Ciraaq si qorshaysan loo soo afjaro, iyadoo labada dhinac ay sii wadi doonaan xiriirka dhinacyada amniga iyo iskaashiga ka dhanka ah khataraha argagixisada.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

DIYARADDA FLYDUBAI OO GUDAHEEDA DAGAAL KA DHACAY.

Next
Next

BADMAAXIINTII REER MASAR EE AFDUUBKA LOOGU HEYSTAY PUNTLAND OO LA SII DAAYEY.