CIRAAQ OO BEEN KU SHEEGTAY SHEEGASHADII PUNTLAND EE….

(MUUQAALKA)-ASKARTII REER CIRAAQ.

(GARACAD/PUNTLAND)-War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo furtay markab ay ciidamada Badda Puntland (PMPF) sheegeen inay kasoo furteen koox burcad-badeed ah oo ku haysatay xeebaha gobolka Mudug. Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa xalay baahisay in ciidamo ama xubno ka tirsan qabiil Ciraaqi ah ay gaareen goobta, isla markaana ay iyagu door ku lahaayeen soo furashada markabka. Wararka la baahiyay ayaa sheegaya in markii xubno ka yimid Ciraaq ay soo gaareen goobta, ay markabka kala wareegeen kooxdii burcad-badeedda ahayd, kaddibna ay goobta timid PMPF. Sheegashada cusub ayaa ka duwan warbixintii hore ee kasoo baxday Puntland, taas oo lagu sheegay in ciidamada PMPF ay fulyeen hawlgal lagu soo furtay markabka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen burcad-badeedda. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo dhinaca Puntland ama dowladda Soomaaliya kasoo baxay oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada warbaahinta Ciraaq. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan cidda hoggaamisay hawlgalkii lagu soo furtay markabka iyo doorka ay dhinacyada kala duwan ku lahaayeen.

ISHA-RISAALA.


Next
Next

GUDIGA QARANKA EE SHAQAALAHA RAYID OO SOO SAARAY QORAAL.