CIIDAMADDA DANAB OO HAWLGAL KA FULIYEY….

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DANAB.

(SH/HOOSE)-Wararka laga helaayo degaanka Tooratooraw ee G/shabeeladda hoose ayaa sheegaayo in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ey howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq oo u dhow deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose. Howlgalka ayaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa baadda iyo dhibaateynta shacabka deegaanka. Mid ka mid ah dhagar-qabayaasha, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan ka dib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macalin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay mooto ay argagixisadu u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DISHAY SANNADKAAN-2025 SAXAFIYIINTA UGU BADAN.

Next
Next

REYSAL WASAARE XAMSE OO QAABILAY WAFDIGA IRC.