CIIDAMADDA BADDA EE TURKIGA OO WAQTI KOOBAN U QABTAY BUCDA BADEEDA SOOMAALIYEED.

(MUUQAALKA)-MARKAB.

(GARMAAL/PUNTLAND)-Kaddib muddo saddex berri ah oo ay go’doon ahaayeen kooxda Burcad-badeedda ah ee haysata markabka Lutuf ayaa hadda qarka u saaran in ay si nabad ah uga degaan markabkaas. Wararka ayaa sheegaya in Turkiga uu kooxda Burcad-badeedda ah u ogolaaday in ay si nabad ah ugu wareegaan markabkii ay ku soo qabsadeen ee MV Sward. Markabkan oo sida qalab ay leedahay dowladda Turkiga waxaa go’doomiyay labo markab oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo diiday in uu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo ama wax adeeg ah la saaro. Markabka Lutuf waxaa saaran labo ruux oo meyd ah, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen ilaalo dagaalantay markii ay Burcad-badeedu weerartay. Warar kale ayaa sheegaayo in Ciidamada Badda ee dalka Turkiga ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya iney burcad-badeedda Soomaalida gacanta ku haysa Markabka “Latov” u qabteen saacado kooban inay si nabad ah u sii daayaan Markabka iyo shaqaalihiisa. Ciidamadda Badda ee dalka Turkiga ayaa digniin adag oo kama dambeys ah u diray kooxda Burcad-badeedda, iyagoo ku wargeliyay inay fursaddan uga faa’iideystaan inay is badbaadiyaan oo ay si nabad ah isu dhiibaan. Dhanka kale, kooxda gacanta ku haysa markabka ayaa Ciidamadda Türkiye u diray muuqaallo gaagaaban ay ku jiraan hanjabaado adag, iyagoo sheegay inay Markabka iyo shaqaalihiisa ay dab qabadsiin doonaan, haddii aan si deg deg ah loo aqbalin dalabkooda lacageed. Si kastaba ha'ahaatee, xaladda ayaa waxay hadda u muuqataa mid aad u kacsan, iyadoo saacadda loo qabtay kooxda ay sii dhammaanayso dhowr daqiiqadood ka dib.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

SWEDEN: WIIL SEEF KU WEERARAY DUGSI SARE.

Next
Next

GARSOORAD KA HORTIMID AMARKII TRUMP EE LAGU DIIDAAYEY VISAHA 75-DAL SOOMALIYANA EY KU JIRTO.