CEELGARAS OO LAGA XUREEYEY ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTII KU GEERIYOOTAY QARAXII CEELGARAS.

(CEEL-GARAS)-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaayo in laba Xildhibaan oo ka kal tirsan maamulka Galmudug iyo kan Golaha degaanka Dhuusamareeb,masuuliyiintaan ayaa qeyb ka ah seddex qofood oo ku geeriyootay Qarax maanta oo Isniin ah ka dhacay degaanka Ceel-Garas ee hoostaga degmada Dh/mareeb halkaaso ey qabsadeen ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed. Masuuliyiintaan qaraxa ku dhimatay ayaa kala ah Maxamed Maxamud(Maxamed-Yare) oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo C/laahi Ibraahim oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha degaanka ee degmada Dh/mareeb ee Gobolka Galgaduud sidaas waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiikhaw. Degaanka Ceel-Garas oo ahaay goob saldhig weyn u ahayd kooxda Alshabaab ayey Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo kuwa xoogaga dib u xureynta degaanka la wareegeen gacan ku haynta Ceel-Garas,maalmo ka hor ayey ahayd markii degaanka Ceel La Helay lagu kharijiyey seddex horjooge oo ka tirsan kooxda Alshabaab lana kala dhihi jiray Olol,Shuuke iyo Ciise.

ISHA/SB-MEDIA.

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

UN-KA OO GO’AAN KA GAREYSO GUBIDA KITAABKA QURAANKA.

Next
Next

GANACSIGA SOMALIA EE AFRIKA MA MID FAC WEYNBAA?