CAYAARYAHAN OZIL OO LACAG UGU DEEQAY CARUURTA BISHAN RAMADAN.

Nassima-20210127_2_46581801_61981596.jpeg

Cyaararyahanka asalkiisu yahay Turki ee haysta dhalashada dalak Jarmalka ee cayaara kubadda cagta ee la yiraahdo Ozil ayaa waxa uu ku tabaruc ahaan u bixiyey lacag dhan Euro-101,000 una dhiganta $120,770 lacagtaan ayaa lagu wareejiyey hayadda laanqeerta cas ee dalka Turkiga si eey bisha Ramadaan kaalmo u gaarsiiso dadka Muslimiinta ah. Hayadda laanqeerta cas ee dalka turkiga war eey soo saaratay ayey ku sheegta in lacagta uu bixiyey Ozil loo kala isticmaali doono 2800-sanduuq gudaha dalka Turkiga lagu bixin doono,100-sanduuq lagu bixin doono dalka Indoniisiya,750-sanduuqne qaxootiga Rohinga ee ku sugan dalka Bangaaldeesh. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in cunto afur ahaan bisha Ramadaan loogu talagalay la gaarsiin doono magaaladda Idlib ee dalka Suuriya,magaaladda Muqdisho ee casimadda soomaaliya inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KORORSADAY MUDDO LABA SANO AH.

Next
Next

IMAARAATKA CARABTA OO BILAWDAY HADAF EEY ETHIOPIA IYO SUDAN UGU QEYBINAYSO AL-FASHAQ.