CALI BALCAD:”SOOMALIYA MARNA AQBALI MEYSO…”.

(SAWIRKA)-WASIIR CALI BALCAD.

(ANTALYA-TURKEY)-”Soomaaliya marna aqbali meyso in la isku dayo in qeyb ka mid ah dhulkeeda lala wareego”,sidaas waxaa sheegay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimah Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah isla markaasne ah ku simaha Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashga Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Cali Balcad mar uu ka faaloonayey heshiiska dhinaca Badda ah ee dhexmaray dalka Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland. Tan iyo markii ey Itoobiya heshiiska la gashay Soomaaliland 1-dii Janaayo-2024-ka waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya xaq u siinaayo iney Soomaaliland ka dhisato deked ey ku bedelato aqoonsi. Wasiir Cali Cumar(Cali Balcad) oo waraysi gaar ah siiyey Wakaaladda Wararka Anadolu isagoo ka qeybgelaayey Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya maanta oo Jimca ah,Wasiir Cali balcad ayaa sheegay iney filaayeen iney xiriir wanaagsan la samystaan dalka Itoobiya sannado badan uu soo taagnaay khilaaf ka dib balse heshiiskaasi waxa uu meesha ka saaray rajadii laga qabay inuu hagaago xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

SHIR EY ISUGU IMAAN DOONAAN URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA.

Next
Next

SHIRKA ISBEDELKA CIMILADDA OO MAANTA OO DHAMANAYA.