CABSI WEYN OO SOO FOOD SAARTAY SHACABKA SOMALILAND,SABAB?

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A/YEMAN)-Wararka laga helaayo caasimadda Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansarullah (Xuutiyiinta) ee Yemen, Cabdul-Malik Al-Xuutii, uu Khamiistii si kulul uga digay joogitaanka Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay weerarto “xero kasta ama saldhig kasta oo Israa’iil ay ka samaysato halkaas.” Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku dhawaaqay in Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland inay tahay “dowlad madax-bannaan,” islamarkaana Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, uu booqasho ku tegay Hargeysa, sida ay sheegeen ilo Israa’iili ah. Al-Xuutii ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Israa’iil ay muddo dheer ku taamaysay inay ka hesho saameyn iyo saldhigyo Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida, sababo la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Bab-al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed. Wuxuu ku dooday in dadaalladaas ay halis ku yihiin amniga Yemen iyo guud ahaan gobolka. “Waxa ka socda Somaliland waa arrin na quseysa si toos ah, waana khatar amni oo naga dhan ah, kama aamusi doonno,” ayuu yiri Al-Xuutii, isaga oo intaas ku daray in ay sii xoojinayaan la socodka iyo dabagalka dhaqdhaqaaqa Israa’iil ee halkaas ka socda, isla markaana aysan ku ekaan doonin “hadallo iyo bayaano.” Xuutiyiintu waxay sidoo kale ku eedeeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil inuu booqashada Somaliland u maray si qarsoodi ah, iyada oo loo sii maray Itoobiya, taasi oo ay ku sheegeen inay ka tarjumayso cabsi uu ka qabo jawaabta Yemen. Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa laga soo xigtay iney afduubi amaba gubi doonaan Maraakiinta looga shakisan yahay iney gacan saar fiican la leeyihiin Isra’iil kuwaaso ka soo baxa dekedda Berbera ee Waqooyiga dalka Soomaaliya, lama hubo talaabadda Xuutiyiinta ee ku aadan Somaliland goorta ey noqoneyso balse waa mid la hubo in Xuutyiinta Yeman iyo Isra’iil ineysan meel isla wada gelin karin.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

XISBIGA DIMUQARAADIGA MARAYKANKA OO HADDA SOO TOOSAY.

Next
Next

RW-XAMSE CABDI BARRE OO GAARAY LAASCAANOOD.