BUURMADAW OO KA BEEN SHEEGAY TAARIIKHDA MUQDISHO.

(SAWIRKA)-BUURMADOOBE.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dhammaadkii sanadkii 2025 hoggaamiye dhaqameed ka mid ah beesha Abgaal ayaa beesha Dir ka codsaday inay caddeeyaan in Buurmadow yahay qof wax kasta oo uu ka hadlo ay tahay in wax laga soo qaadin (qof wax u dhimman yihiin maskax ahaan) ama inuu yahay qof maskax ahaan caafimaadqaba. Buurmadow oo London waraysi ku siiyay Brit Somali TV, ayaa isu ekeysiiyay taariikhyahan u dhuundaloola sida Muqdisho beeluhu u kala deggan yihiin hadda. Wuxuu ku tilmaamay Abgaal beel aan macno ku lahayn Muqdisho ka hor 1991kii. Weerarka afeed uu Buurmadow la damacdanaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saameeyay beel Soomaaliyeed oo uu magac ahaan oo keliya yaqaanno laakiin uusan taariikhdeeda waxba ka aqoonin. Buurmadow wuxuu ku dooday in kala qeybsanaanta beesha Daarood ay tahay awoodda beesha Hawiye. Waa isku dir guuldarraystay. Maamulka goosasho-doonka ee Somaliland wuxuu arkay in siyaasaddiisii Daarood iyo  Hawiye oo ay colaad u dhexeyso ay dan ugu jirto Hargeysa. Taas hadda waxaa beddelay colaad dhextaalla Daarood iyo Isaaq kaddib dagaalkii 2023 ee Laascaanood. Ardaydii reer Puntland wax ka baran jirtay Jaamacadda Camuud waxay usoo beddesheen jaamacadaha Muqdisho; ganacsatadii Hartiga oo danaha ganacsi ku lahaa meelaha Somaliland ay ka taliso way ka soo guureen Hargeysa. Sharciga maamulka Somaliland ayaa dhigaya in qof aan beeshiisu ku nooleyn dhulkii Biritishku gumeysan jiray ee Waqooyiga Soomaaliya uusan wax xuquuq ah dhulkaas ku lahayn. Dhibtu waa in goosashodoonku isu arkaan inay la mid yihiin ninkii Caddaa ee Ingiriiska ahaa oo xudduud beenaadka beelaha Soomaaliyeed u kala sameeyay. Taas macnaheeedu waa in dadka ku abtirsada beelaha ku nool dhulkii Talyaanigu maamuli jiray aysan ku noolaan karin Sool, Sanaag iyo Togdheer oo beesha Hartiga Waqooyi degto. Weli colaaddaas lagama heshiinin. Dooddan waxay sii gaar ah u saamaysaa Dubbeys (oo Warsangeli ka tirsan) laakiin dega Bari. Waa tusaale muujinaya in goosashadu ku salaysan tahay garashodarro loo leeyahay taariikhda siyaasadda ka hor 26 Juunyo 1960 iyo 1 Luulyo 1960. Ismaandhaaf weyn ayaa dhexyaalla Muqdisho iyo Hargeysa dhinaca siyaasadda. Cabdi Nuure Siyaad, oo mar ka tirsanaa ururkii SNM, ayaa sheegay in Cabdulqaadir Koosaar uu sababsaday hadal quursi ah oo uu ku yiri xubno beesha Hawiye ka tirsan isaga oo uu isku dayay inuu ka qaado hub ay ciidanka beeshu, oo SNM ka mid ahaa, Itoobiya ku haysteen. Koosaar waxaa lagu dilay Mustaxiil 1987kii. Salaad Cali Jeelle wuxuu dhowaan sheegay in Cali Wardhiigley, oo mar ahaa ku simihii guddoomiyihii ururkii SNM, Silaanyo,  uu amar-diiddo kala kulmay xubin ururka ka mid ah oo aamminsanaa in Cali Wardhiigleey  uu oday-la-yaal (dulsaar) ku ahaa SNM, waana sababta uu Cali Wargdhiigley uga baxay ururkii SNM, una asaasay ururkii USC. Dhinaca kale, ururkii SSDF madaxdii asaastay way ogaayeen in billowgii siddeetamaadkii in urur samaysmi doono metela beelaaha Hawiye, Sidaas darteed marnaba jiritaan la’aantii urur noocaas ah ka hor 1989 ma sababin in ururkii SSDF yaraysto kaalinta siyaasadeed iyo milatari ee beesha Hawiye. Raggii SSDF ka mid noqday waxaa ka mid ahaa Cumar Istarliin, oo mar ururka xil sare ka hayay, Maxamed Faarax Jimcaale, Cumar Salaad Cilmi, Cabdi Nuure Siyaad iyo rag kale. Buurmadow wuxuu taageeray heshiiskii Itoobiiya ku doonaysay inay bad Soomaaliyeed ku boobto. Mar wax laga weyddiiyay xasuuqii ay Itoobiya ka geysatay Muqdisho 2007-2009, Buurmadow marnaba uma jiirnixin dadkii Soomaaliyeed ay Xabashidu xasuuqday sanadahaas. Muqdisho, oo ah meesha talada siyaasadda Soomaaliya ay taallo, iyo Hargeysa, oo uu yaallo mabda’ ku salaysan burburinta qarannimada Soomaaliya, xiroorkoodu wuxuu ku salaysnaa laablakac iyo aqoonta siyaasiyiinta laba magaalo isu leeyihiin oo yaraa. Wax badan buu Madaxweyne Xasan Sheekh ka badbaadi lahaa haddii ragga sida Cabdi Nuure Siyaad uu ka waraysan lahaa taariikhda jabhadihii Soomaaliyeed oo fadhigooda ahaa Itoobiya. Waraysigii uu Cabdi Nuure kaga xogwarramay dilkii Cadbulqaadir Koosaar waa laga saaray YouTube. Waa waraysi qofka kanaalkaas gaar ah leh uun uu daawan karo. Mabda’a qarannimada Soomaaliya, oo Hargeysa ka soo horjeeddo laakiin siyaasiyiinta Muqdisho ay muddo ku naasnuujinayeen ayaa sii kala fogeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka goosasho-doonka ee Somaliland. Isbayahysigii siyaasadeed ee socday 2012-2023 una dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa waxaa ka awood-badiyay kala fogaanshaha dhuleed oo kaalin weyn ku leh in siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada labada beelood is afgaran waayaan. Buurmadow iyo dadka uu taariikhdooda ka beensheegay yaw u garnaqi doona?!

XIGASHO-PP.

Previous
Previous

DFS IYO EU-DA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU KACAAYO 102-MILYAN YUURO.

Next
Next

DFS OO WAR QORAAL AH KA SOO SAARATAY CELINTII DIYAARADAHA KA KALA YIMID J/LAND IYO PUNTLAND.