BURCAD BADEEDA SOOMAALIYEED OO DALBATAY DHAQAALE FARA BADAN.
(MUUQAALKA)-BURCAD BADEED.
(KARACHI/PAKISTAN)-Wasiirka Arrimaha Baarlamaanka Pakistan, Tariq Fazal Chaudhry, ayaa sheegay in burcad-badeeda Soomaalida ah ay dalbadeen madax-furasho dhan 3 milyan oo dollar, si loo sii daayo 10 badmaax oo Pakistani ah oo afduub ahaan loo haysto tan iyo bishii Abriil. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Golaha Qaranka Pakistan, isagoo ka jawaabayay su’aal looga dalbaday dowladda inay faahfaahin ka bixiso xaaladda muwaadiniinta Pakistan ah ee gacanta ugu jira burcad-badeedda. 10-ka badmaax ayaa ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honour 25, oo ka babanayay calanka Palau, kaas oo burcad-badeed hubeysan ay ka afduubteen xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Markabka waxaa saarnaa shaqaale ka kala soo jeeda dalal dhowr ah. Marka laga reebo 10-ka Pakistani ah, waxaa afduubka ku jira 7 Indonesiyiin ah, oo uu ku jiro kabtankii markabka, iyo sidoo kale muwaadin Hindi ah iyo mid Sri Lankan ah. Tariq Fazal Chaudhry ayaa sheegay in ilaa hadda aan horumar laga gaarin wada-hadallada lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha, isla markaana aan wax madax-furasho ah la bixin. Wasiirku wuxuu sidoo kale ka digay in bixinta madax-furashada ay yeelan karto cawaaqib xun, isagoo ku sababeeyay in awoodda dowladda Soomaaliya ay weli daciif tahay, gaar ahaan meelaha ay kooxaha burcad-badeeddu ka hawlgalaan. Afduubka markabka MT Honour 25 ayaa mar kale soo cusboonaysiiyay walaaca laga qabo soo noqoshada weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, xilli sanadihii u dambeeyay ay hoos u dhaceen weerarradii waaweynaa ee ka dhanka ahaa maraakiibta ganacsiga. Dhinaca kale, lix nin oo hubeysan ayaa Markab ka qabsaday Xeebaha dalka Yemen maanta oo Khamiis ah kuna beegan 20/8/2026-ka, waxa eyna Markabkii ku qasbeen inuu u wareego dhinaca dalka Soomaaliya,sida laga soo xigtay Hawlgalka ganacsiga Badda ee Boqortooyadda Ingiriiska UKMTO. Dhacdadaan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 136-Meyl Badeed bari ka xigta caasimadda Gobolka Xadarmuut ee gacanka Cdmeed ee dalkaasi Yemen,halkaaso markabka la afduubtay uu ku dhawaaday Markab shidaal Qaada. Wax macluumaad dheeri ah oo laga bixiyey shaqaalaha la soxcdo Markabka ma jiraan. WIXI KA SOO KODHA HALKAN AYAAN IDNKULA WADAAGI DOONAA-INSHAA ALAAH.
ISHA-HOL.