BOOLISKA OO BAARAYA TOOGASHO KA DHACDAY K/MINNEAPOLIS.

(MUUQAALKA)-GAARIGA BOOLISKA MINNEAPOLIS.

(MINNEAPOLIS/MNN)-Booliska ayaa magaaladda Minneapolis baaraya toogasho ka dhacday koonfurta Minneapolis oo nin ku dhaawacmay habeenkii Jimcaha. Sida laga soo xigtay Waaxda Booliska ee Minneapolis, saraakiishu waxay ka jawaabeen rasaas ka dhacday meel u dhow Lake Street East iyo Stevens Avenue South abbaare 8-dii fiidnimo Markii saraakiishu yimaadeen, waxay arkeen nin qaba dhaawac rasaas ah oo aan halis gelinayn nolosha oo dhulka yaal. Booliisku waxay sheegeen inay daweeyeen dhaawaciisa, waxaana loo qaaday isbitaal u dhow. Booliisku ma shaacin magaca dhibanaha. Saraakiishu waxay raadiyeen qof laga shakisan yahay, saynisyahannada dambi baarista ee MPD-na waxay goobta ka baaraandegeen. Dhanka kale, baarayaashu waxay ka shaqeynayaan sidii ay u ogaan lahaayeen waxa keenay toogashada. Masuuliyiintu waxa ey sheegeen ineysan ilaa hadda eysan jirin cid toof=gashadaasi loo soo xiray.

ISHA-KSPT.

Previous
Previous

DIYAARAD KA TIMID ISRAEL OO SI DEG DEG AH UGU DEGTAY BULGARIYA.

Next
Next

MUHAAJIRIINTA KA SOO JEEDO YUKREYN IYO SUUDAAN AYAA MARAYKANKA SII JOOGI….