BOOLISKA HINDIYA OO SHEEGAY IN SAJID AKRAM KA TEGAY HINDIYA.
(SAWIRKA)-AUSTRALIA.
(DELHI/INDIA)-Booliska Hindiya ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ninkii hubeysnaa ee ku dhintay dhacdadii toogashada xeebta Bondi ee Australia, Sajid Akram, uu asal ahaan ka soo jeeday magaalada koonfurta Hindiya ee Hyderabad laakiin xiriir yar ayuu la lahaa qoyskiisa Hindiya. Weerarkii Axaddii wuxuu ahaa toogasho wadareedkii ugu xumaa ee Australia ka dhacda muddo ku dhow 30 sano, waxaana la baarayaa fal argagixiso oo lala beegsaday bulshada Yuhuudda. Tirada dhimashada ayaa gaartay 16, oo ay ku jiraan mid ka mid ah ragga hubeysan, oo ay booliisku ku sheegeen Sajid Akram oo 50 jir ah, kaasoo ay booliisku toogteen. Wiilka 24-jirka ah ee uu dhalay ninkaas iyo qofka la tuhunsan yahay ee la socday, oo ay warbaahinta maxalliga ahi ku sheegtay Naveed Akram, ayaa xaalad halis ah ku jiray isbitaalka ka dib markii sidoo kale la toogtay. "Xubnaha qoyska ma aysan aqoon fikirkiisa xagjirka ah ama dhaqdhaqaaqyadiisa, iyo duruufaha horseeday xagjirnimadiisa," ayay booliiska gobolka Telangana ku sheegeen bayaan.
HYDERABAD WAA CAASIMADDA GOBOLKA TELANGANA:
Booliska Australia ayaa sheegay in labada nin ay u safreen Filibiin bishii hore, aabaha oo wata baasaboor Hindi ah wiilkuna uu saarnaa mid Australian ah. Saraakiisha ayaa sheegay in ujeeddada safarka ay baaritaan ku socoto, iyagoo intaa ku daray in aan la xaqiijin in lala xiriiriyay koox argagixiso ah ama inay tababar ku qaateen dalkaas. Booliska Telangana ayaa sheegay in arrimaha horseeday xagjirnimada labada nin ee hubaysan "ay u muuqdaan inaysan wax xiriir ah la lahayn Hindiya ama wax saameyn maxalli ah oo ku leh Telangana." Bayaan ay Talaadadii soo saareen, booliiska Telangana ayaa sheegay in Sajid Akram uu lix jeer booqday Hindiya, inta badan sababo la xiriira qoyska, tan iyo markii uu u soo haajiray Australia 1998. Ma jirin "rikoodh xun" oo ku saabsan ka hor inta uusan ka tagin Hindiya, sida lagu sheegay bayaanka.
XIGASHO-AA.