BERRI: KULANKA MARAYKANKA IYO IRAAN,MAXAA LAGA FILAN KARAA?
(SAWIRKA)-WASIRADA ARRIMAHA DIBADA IRAAN IYO CUMAAN.
(MASQAT)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan Cabaas Caraqji ayaa u duulay magaalada Muscat ee ah caasimadda dalka Cumaan ka hor kulanka Sabtida uu la yeelanayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Steve Witkoff, oo ah kulankoodii saddexaad ee toddobaadyo gudahood. Caraqji ayaa hogaamin doona wafdiga Iran ee ka kooban dublamaasiyiinta iyo khubarada farsamada wadahadalo aan toos ahayn oo ay la yeelanayaan dhinaca Maraykanka, Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmaeil Baqaei ayaa ku qoray batiisa X. Diblomaasiga ugu sarreeya Iran wuxuu ahaa gorgortanka heshiiskii taariikhiga ahaa ee Nukliyeerka ee uu Trump ka tagay xilligiisii ugu horreeyay ee 2018. Caraqji waxa uu diiday in uu ka hadlo wada hadalada isaga oo saxeexay nuqulo ka mid ah tarjumaada Carabiga ee buugiisa, "Awoodda Wada Xaajoodka" ee bandhigga buugaagta ee Masqat ee Jimcaha maanta ah. Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa ka mid noqon doona wadahadalo heer-khabaro ah oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran, iyadoo Michael Anton, oo ah Madaxa Qorsheynta Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, uu hoggaamin doono wadahadallada farsamo ee dhinaca Mareykanka, ayay tiri Wasaaraddu. Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim ayaa sheegtay in Wasiir Ku-Xigeenada Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi iyo Majid Takht-Ravanchi ay madax u noqon doonaan kooxda farsamada ee Iran. Baqaei ayaa sheegay in wafdiga Iran "lagu go'aamiyey in la sugo xuquuqda sharciga ah ee Qarankeena si loo isticmaalo Tamarta Nukliyeerka ujeedooyin nabadeed iyadoo la qaadayo tillaabooyin macquul ah oo lagu muujinayo in barnaamijkeenu yahay mid nabdoon". "Joojinta cunaqabataynta sharci darrada ah iyo bini'aadantinimada ka baxsan si ula kac ah oo deg deg ah waa mudnaanta aan raadineyno inaan gaarno," ayuu raaciyay. Sida laga soo xigtay Baqaei, wadahadalka waxaa mar kale dhexdhexaadin doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Badr Albusaydi kaasoo ka soo muuqday Caraqji saxiixa buugga subaxnimada Sabtida. Kulanku waxa uu daba socdaa laba wareeg oo hore oo Cumaan ay dhexdhexaadinaysay oo ka dhacay Masqat iyo Rome soona bilaabmay Abriil 12.
MUUJINTA”NIYAD WANAAG”
Tan iyo markii uu ku soo noqday xafiiska bishii Janaayo, Trump waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn baaxad leh oo hoos timaada siyaasadiisa "cadaadiska ugu badan" ee ka dhanka ah Tehran. Bishii Maarso, wuxuu warqad u diray hogaamiyaha ugu sarreeya Iran, Ayatullah Ali Khamenei, isaga oo ku baaqaya wadahadal, laakiin wuxuu ka digay in tallaabo militari laga qaado haddii ay ku guuldareystaan inay heshiis gaaraan. Wadamada reer galbeedka oo uu ku jiro Maraykanka ayaa muddo dheer Iran ku eedaynayay in ay doonayso in ay hesho hubka Nukliyeerka eedaymahaas Tehraan ayaa si joogto ah u beenisay, iyada oo ku adkaysatay in barnaamijkeedu yahay ujeeddooyin rayid ah oo nabad ah. Baqaei horaantii Jimcihii wuxuu yiri "horumarka laga gaarayo wada xaajoodyadu waxay u baahan yihiin muujinta niyad wanaag, dhabnimada, iyo xaqiiqada dhinaca kale". Iran waxa ay ula dhaqmi doontaa wadahadalada sabtida si dhab ah, Caraqji ayaa ku sheegay wareysi uu dhawaan bixiyay, "haddii dhinaca kale uu sidoo kale si dhab ah u galo, waxaa jiri kara horumar". Sannadkii 2018, Trump waxa uu Maraykanka ka saaray heshiiskii nukliyeerka ee ay saddex sano ka hor kala saxeexdeen Tehran iyo quwadaha waa-weyn ee adduunka. Heshiisku wuxuu fududeeyay cunaqabatayntii saarnayd Iran taas bedelkeedana waxay ahayd in la xakameeyo barnaamijkeeda Nukliyeerka. Ka bixitaanka Trump ka dib, Tehraan waxay u hogaansantay heshiiska hal sano ka hor inta aysan dib u dhigin u hogaansanaanteeda. Iran hadda waxa ay hodanaysaa Uranium ilaa 60 boqolkiiba, taas oo aad uga saraysa xadka boqolkiiba 3.67 ee heshiiskii 2015 laakiin wali waxa ay ka hoosaysaa 90 boqolkiiba heerka looga baahan yahay agabka heerka hubka. Wareysi uu daabacay Majaladda Time Jimciha, Trump waxa uu ku sheegay in Mareykanka uu “hoggaamin doono” weerarka Iran haddii wadahadallada Nukliyeerka ay horseedi waayaan heshiis cusub. Laakin wuxuu rajo ka muujiyay in heshiis la gaari karo wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Khamenei.
ISHA-FRANCE24.