BEESHA XAWAADLE OO GO’AANO KA SOO SAARTAY KULANKOODII B/WEYNE.

(MUUQAALKA)-FADHIGII ODAYAASHA XAWAADLE EE B/WEYNE.

(BELEDWEYNE/H/SHABEELE)-Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee beesha Xawaadle ayaa magaalada Beledweyne ku soo gabagabeeyay kulamo maalmahan u socday oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka HirShabelle saddexaad. Beesha Xawaadle ayaa ku baaqday in la joojiyo doorashooyinka iyo habraacyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan, iyadoo sheegtay in aan la aqbali karin hannaan aan ku dhisnayn heshiis iyo oggolaanshaha bulshada sida lagu sheegay go'aanada kasoo baxay Shirka oo uu hogaaminaayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. War-murtiyeedka waxaa warbaahinta u akhriyey Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble isagoo cadeeyay in Beesha  aysan aqbali karin in hannaan siyaasadeed oo Hiiraan ah la sameeyo, iyadoo aan laga qaybgelin bulshada deegaanka. Waxay sidoo kale ku baaqday Beesha Xawaadle in dhismaha HirShabelle saddexaad loo maro hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi ay dhinacyadu isku raacsan yihiin. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray tabashooyinka reer Hiiraan, iyadoo beesha ay ku baaqday in cabashooyinkaas si dhab ah loo qaado, lana raadiyo xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad. “Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu sheegay go’aamada kasoo baxay kulanka. Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka HirShabelle ee ka howlgala Hiiraan uu u hoggaansamo go’aamada kasoo baxay waxgaradka, isla markaana uu isu diyaariyo geedi-socodka dhismaha maamul cusub oo loo dhan yahay. Qodob kale oo war-murtiyeedka lagu xusay ayaa ah in wixii qalalaase ama gacanka hadal ah ee ka dhasha doorasho aan heshiis lagu ahayn ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan guddiga doorashooyinka iyo guddoomiyahooda Cabdikariin Xasan. Beesha Xawaadle waxay sheegtay in aan la dhisi karin HirShabelle waarta iyadoo la iska indha tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan. Waxay ugu dambayn ku baaqday in aan waqti badan laga lumin bulshada HirShabelle, lana gaaray xilligii la dhisi lahaa maamul ka duwan kan hadda jira iyo kii hore waxaana War-murtiyeedka lagu soo gabagabeeyay in nabadda, caddaaladda, heshiiska iyo heshiis bulsho ay saldhig u yihiin Hiiraan iyo HirShabelle. Beesha Xawaadle ayaa arrinta Doorashooyinka ee H/shabeele ku kala qeybsan sida laga dheehan karo warbaahinta maxaliga ah, waayo Beesha ayaa sameysatay Golaha Siyaasadda ee Beesha Xawaadle, Golahaaso ey hor boodayaan Madaxweynihii hore ee H/shabeele Md.Cali C/laahi Cosoble iyo La Taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh Ex.Xildhibaan Qoone. Marka dib loogu laabto qaabka awood qeybsiga ee DG H/shabeele waa mid laga soo kala doorto Jawhar iyo B/weyne oo kala ah caasimadaha Goboladda Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan. Guud ahaan H/shabeele waxaa laga soo doortaa ilaa 38-Xildhibaan oo heer Federaal ah, waxaane caasimadda Hiiraan ee B/weyne laga soo doortaa 25-Xildhibaan kuwaso sideed ka mid ah ey yihiin Beesha Xawaadle inta soo hartayne ey yihiin beelaha kale ee dega degaanka. Dhinaca Jawhar, waxaa laga soo doortay ilaa 13-Xildhibaan kuwaaso lix ka mid ah ey yihiin beesha Abgaal, hadaba su’aasha ayaa ah sidee labadaan beelood loogu soo koobay iney noqdaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka H/shabeele?

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

IMAARAATKA OO RABA INUU SOOMAALIYA KA ABUURO FALAAGO LA MID AH TAN SUUDAAN.

Next
Next

MARAYKANKA OO DEBCIYEY MAWQIFKIISII HAWLGALKA MIDAWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA.