BEESHA CAALAMKA OO SI TOOS AH UGA HADASHAY FASHALKII DHACAY SHALAY.
(SAWIRKA)-KULANKII DFS IYOGMS.
(MUQDISHO)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war adag kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee cakiran, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda ayaa lagu yiri: “Wada-hadalka iyo tanaasulka waa adag yihiin laakiin lama huraan, waxaana ku boorinaynaa hoggaanka Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas, Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan ayaa la dagaallama argagixisada, xoojiya maamulka, isla markaana horumar u horseeda Soomaaliya iyo beesha caalamka.” Safaaradda ayaa si cad u muujisay in wada-hadalka iyo tanaasulka ay yihiin lama huraan, inkastoo ay adag yihiin, isla markaana ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Saacadihii hore ee saakay, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulamo gaar ah oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta, kaddib burburkii wada-hadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ergo u diray Golaha, si loo sii wado wada-xaajoodyada loogana baaqsado in warbaahinta loo shaaciyo is-afgaranwaaga jira, Ergadaas ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda mucaaradka. War-saxaafadeedka Mareykanka ayaa imaanaya xilli cadaadis gudaha iyo dibadeedba uu sii kordhayo, iyadoo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhigo geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka. Dhinaca kale, waxaa isne ka hadlay fashalka ku yimid wada hadaladdii u dhexeeyey Mucaarka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe madaxna ka ah Xafiiska UNTMIS MR.James Swan, waxa uuna bartiisa X ee horay loogu yaqiinay Twitter-ka soo dhigay hadal u qornaa Sida:” Waxaan ka niyad Jabsanahay in DFS iyo Mucaaradka(GMS) eysan heshiis ka gaarin wada hadaladdii ilaa hadda la soo qabtay. Iyadoo ey wehliyaan la hawlgalayaasha kale, Hogaanka UNTMIS ayaa maanta waqti hore la kulmay wakiilo sare oo ka kala socdo DFS iyo Mucaaradka(GMS). Waxaan soo dhaweynaa balanqaadla labada dhinac ee sheegaya in la sii wedi doono dadaaladda lagu raadinaayo wado wax dhisaysa oo horay loo sii wado. Waxaan si xoogan u dhiirigelinayaa wada hadallo dheeraad ah oo niyad wanaaga ah, anagoo la kaashaneynaa la hawlgalayaasha kale, waxaane diyaar u nahay inaan gacn ka geysano dadaaladda Soomaaliya si loo helo tanaasul la taaban karo oo ku saabsan arrimaha taagan. Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda ee XFS Md.Xil.Cali Balcad oo isagana ka hadlay arrimaha taagan ayaa bartiisa X ku soo daabacay qoraalkan:” DFS waxa uu furan albaabadii wada hadaladda, tanaasulka ku saabsan hababka iyo wadatashiyadda qaran oo balaaran, laakin iyadoo la raacaayo mabda’a codbixinta guud jiheyntuna waa mid adag. Horumarka Dimuqaraadiyadda Soomaaliya lama dib dhigi karo si aan xad lahayn:.
XIGASHO-WAKAALADDO.