(MUQAALKA)-MW-XASAN IYO MUCAARADKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS:
Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Safiiradda dalalka Mareykanka, UK, Turkiga iyo Midawga Yurub oo lagu wado iney dib u bilaabaan dhexdhexaadinta khilaafka ka taagan Doorashada ee u dhexeeya DFS iyo Mucaaradka. Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan Safaaradaha Mareykanka iyo UK ayaa la soo sheegay iney isu diyaarinaya sidii ey suuragal u noqon lahayd wareeg cusub oo wadahadallo siyaasadeed oo muhiim ah, kuwaasoo sida xogtu sheegtay lagu wado in la qabto inta u dhexeyso 5-ta Diseembar ilaa 10-ka Diseembar-20226-ka, si looga gudbo ismari waaga Siyaasadeed ee dalka jilbaha dhulka u dhigay. Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyo Ku-simaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Ruth Anne Stevens-Klitz ayaa la sheegay inay xiriir diblomaasiyadeed ey la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr.Xasan Sheekh Maxamuud, Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo Hoggaanka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Diblomaasiyiinta ayaa soo jeediyay 7-da Diseembar inay noqoto taariikhda la soo jeediyay ee wareeg wadahadallo cusub, iyagoo beesha caalamka ka dhigaya bartamaha isku day kale oo lagu dhexdhexaadinayo isfaham siyaasadeed. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan doodda ayaa sheegaya in qaab-dhismeedka la soo jeediyay uu durba aqbalay dhinacyada ku lugta leh. Kulanka la soo jeediyay wuxuu daba socdaa isku dayo dhowr ah oo hore oo lagu xaqiijinayo heshiis, kuwaas oo aan midkoodna ilaa hadda la gaarin heshiis siyaasadeed oo waara. Balse weli lama xaqiijin Madaxda Maamuladda Puntland iyo Jubaland Deni iyo Madoobe iney diyaar u yihiin iney yimaadaan Muqdisho oo ah halka shirku ka dhacaayo, waayo waxaa jira warar hoose uu tibaaxaayo in Dawlad aan la sheegin ey cadaadis culus ey saareyso maamuladdaas si shirka uu uga dhaco caasimadda dalka Yugandha ee Kampala, iyagoo og in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mawqif adag ka qaatay inuu ka qeybgalo shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo lagu qabto meel ka baxsan dalka Soomaaliya. LA SOCO.
ISHA-SB-MEDIA/MUQDISHO-SOMALIA.