(BAYDHABO):XUKUN DIL AH OO LAGU FULIYEY NIN SHALAY DIL GEYSTAY.

(SAWIRKA)-MARXUM ABSHIR IYO NINKII DILAY GEESEEY.

(BAYDHABO)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in halkaasi maanta dil toogasha ah lagu fuliyey Eedeysane gacan ku dhiigle Axmed C/laahi Maxamud(Geeseey) ina Caasho Maxamed Adan 31-jir ah. Eedeysanaha ayaa shalay magaaladda Baydhabo ee Gobolka Bay ku dilay marxuun la oran jiray Abshir Xasan C/raxmaan oo ahaa nin dhallinyara ah,dilak ayaa ka dhacay goob ey ka wada shaqeynaayeen gacan ku dhiiglaha iyo Marxuumka. Maxkamadda G/baay oo u fariisatay dhegeysiga kiiska dilka ah ayaa soo saaratay xukun dil ah,waxa eyna Maxkamadu amartay in dilka la fuliyo maanta oo Axad ah. Fulinta xukunka dilka ah ayaa ka dhacay duleedka magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay,waxaane goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha DG KGS Md.Xasan C/qaadir Maxamed,saraakiil ciidan oo kala duwan maamulka G/baay iyo dad shacab ah oo aad u fara badan oo ey ka mid yihiin ehelka marxuum Abshir. Fulinta dilka toogashada ah ka dib ayaa waxaa warbaahinta maxaliga ah la hadlay Md.Mukhtaar Doodaale oo ka tirsan Xeer Ilaalinta Maxkamadda G/Baay, waxa uuna sheegay in gacan ku dhiigle Geeseey uu dil bareer ah u geystay Marxuum Bashiir sidaas darteedna Maxkamdu ey ku xukuntay dil toogasha ah taaso ah Qisaasta Marxuum Abshir. Ehelka Marxuum Abshir oo ku sugnaay goobta ey ka dhacday Qisaasta ayaa u mahad celiyey Madaxweynaha DG KGS Md.Laftagreen waxa eyna sheegeen iney ku qanacsan yihiin Qisaasta wiilkooda Marxuum Abshir. Dhinaca kale, waxa uu taagtaag aad u xun ka taagan yahay magaaladda Baydhabo gudaheeda waxa eyna ciidamo isku hor fadhiyaan hooyga magaaladda Baydhabo ka degan yahay Wasiirka Xanaanadda Xoolaha ee DFS Md.Xasan Eelaay. Wasiir Eelaay ayaa safar booqasho ku yimid magaaladda Baydhabo, waxa uuna ku soo degay xarunta Madaxtooyada KGS ee magaaladda Baydhabo, Wasiir Eelaay ayaa isku dayey inuu kulan la qaato Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Baydhabo isaga oo jooga Xarunta Madaxtooyada,balse Odayaashii ayaa Wasiir Eelaay u sheegay in loo diiday iney galaan Xarunta Madaxtooyada, Wasiirka oo isku dayey inuu arrintaas xal u helo ayaa la xiriiray Taliyaha ilaaladda Madaxtooyadda Baydhabo, waxaane Wasiir Eelaay loo sheegay in Amarku yahay mid ka yimid MW-Laftagareen sidaas darteedna taliyuhu uusan waxba ka qaban karin. Wasiir Eelaay oo arrintaasi ka careysan ayaa go’aansaday inuu isaga guuro Xarunta Madaxtooyada ee Baydhabo degane gurigiisa oo ku yaalo BUULO HADAMO,nasiib darase waxaa dhacday in Guriga Wasiir Eelaay degaanay ey hareereeyeen ciidamo ka amar qaata MW-Laftagareen waxaane hadda la isku hor fadhiyaa hoyga uu magaaladda Baydhabo ka degan Wasiir Xasan Eelaay, lama yaqaan xaalku sida uu ku dambeyn doono, balse waa arrin aad u culus kana soo korortay maamulka KGS.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

MW-BIDEN OO LAGA HELAY KANSARKA QANJIRKA.

Next
Next

WAX KA OGOW TAARIKHDA QARAXYADA EE XERADA GEN.GORDON.