BAKISTAN: GAARI WALXAHA QARXA SIDA OO LAGU WEERARAY BAR KOONTAROOL.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA BAKISTAN.
(ISLAMABAD/PAKISTAN)-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay Jimcaha maanta ah weerar loo adeegsaday gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa kaasoo lala beegsaday bar kontorool oo ay leeyihiin ciidamada amniga oo kuna taal gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi-galbeed Pakistan oo xuduud la leh Afghanistan, sida ay sheegeen ciidamada. Ciidanku waxay ku sheegeen bayaan ay soo saareen in "12 askari, laba boolis ah iyo shaqaale" la dilay markii "bam gaari lagu soo xiray uu ku qarxay derbiga dibadda" ee xayndaabka. Wuxuu xusay in 12 dagaalyahan lagu dilay weerarkii ka dhacay gobolka Tank. Wali cidna ma sheegan mas'uuliyadda weerarka, inkastoo Taliban-ka Bakistaan ay ka howlgalaan gobolkan. Islamabad waxay ku eedeysay kooxaha fadhigoodu yahay Afgaanistaan inay xoojiyeen weerarrada ka dhacaya gobollada xuduudda Pakistan. Si kastaba ha ahaatee, mas'uuliyiinta Afgaanistaan ayaa si isdaba joog ah u beeniyay arrintan. Dagaallo culus ayaa bilihii ugu dambeeyay ka qarxay xadka labada dal, Bakistaan-na waxay duqeymo cirka ah ka geysatay dhulka Afgaanistaan, iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsatay maleeshiyaad hubaysan. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Taliban ayaa sheegay in duqeymahan ay sababeen khasaare soo gaaray dad rayid ah, taasoo ay xaqiijisay Qaramada Midoobay. Kooxo hubeysan ayaa Khamiistii weerar gaadmo ah ku qaaday gaari uu saarnaa garsoore ku sugan gobol ku yaal koonfur-galbeed ee Pakistan, iyagoo dilay isaga iyo ilaaladiisa ka hor inta aysan baxsan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska iyo dowladda. Weerarka ayaa ka dhacay degmada Mastung ee gobolka Balochistan, halkaas oo fallaagada gooni-u-goosadka ah ay xoojiyeen weerarrada ay ku hayaan ciidamada amniga iyo dadka rayidka ah bilihii la soo dhaafay.
ISHA-AA.