AYAANLE IYO DEEQO OO AH CARUURTII SIYAAD BARRE OO LAGU DHEGAN YAHAY.
(MUUQAALKA)-AYAANLE IYO DEEQO MAXAMED SIYAAD BARRE.
(OHIO/USA)-Wargeyska caanka ah ee dalka Mareykanka New York Post ayaa baahiyay warbixin baaritaan ah oo xasaasi ah, taas oo lagu soo bandhigay halka ay maanta ku nool yihiin iyo waxa ay shaqadoodu tahay qaar ka mid ah carruurtii Madaxweynihii hore ee Dowladii dhexe ee Soomaaliya, Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay Ayaanle Maxamed Siyaad Barre iyo walaashiis Deeqo Maxamed Siyaad Barre, iyadoo sheegtay in labadooduba ay si deggan ugu nool yihiin agagaarka magaaladda Columbus ee ah caasimadda Gobolka Ohio ee dalkaasi Maraykanka, waxa eyna ka mid tahay meelaha ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool Mareykanka.
AYAANLE: “GACANTA MIDIG” EE AABIHIIS:
Sida lagu sheegay baaritaanka New York Post, Ayaanle Maxamed Siyaad Barre ayaa xilligii ugu dambeeyay ee Dowladdii dhexe ee aabbihiis maamulayay lagu tilmaamay inuu ahaa qof door weyn ku lahaa maamulka Madaxtooyadda iyo arrimaha Amniga Qaranka Soomaaliya Warbixintu waxay Ayaanle ku tilmaantay inuu ahaa mid ka mid ah dadka ugu dhow Janaraal Maxamed Siyaad Barre, gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay ee Dowladdii Kacaanka ka hor inta aysan burburin Dowladdii dhexe sanadkii 1991. New York Post ayaa sheegtay in Ayaanle iyo Deeqo ay hadda ku nool yihiin agagaarka Magaaladda Columbus, iyadoo Ayaanle lagu sheegay inuu ku nool yahay guri caadi ah oo ku yaalla xaafadaha ka baxsan bartamaha magaaladda.Columbus. Columbus ayaa sidoo kale hooy u ah Jaaliyad Soomaaliyeed oo ballaaran, waxaana magaaladda iyo nawaaxigeeda ku nool Soomaali badan oo dalka u yimid sababo ay ka mid yihiin dagaalladii iyo qalalaasihii siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay ka dib burburkii Dowladdii dhexe.
$ 1.8-MILYAN OO MEDICARE AH:
Qodob kale oo xasaasi ah oo uu New York Post soo bandhigay ayaa la xiriira dhinaca Ganacsiga. Wargeysku wuxuu sheegay in xubno qoyska ka tirsan ama dad lala xiriiriyay qoyska ay ku lug leeyihiin shirkado bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka ee guryaha (home-health), iyadoo mid ka mid ah shirkadahaas lagu sheegay inay heshay lacag dhan ku dhowaad $1.8 Milyan oo Dollar oo ka timid barnaamijka Dowladda Mareykanka ee Medicare. Warbixintu New York Post ayaa waxay sidoo kale xustay ganacsi la xiriira adeegyada turjumaadda iyo urur samafal oo magac qoyska Maxamed Siyaad Barre lala xiriiriyay. Joogitaanka xubno ka mid ah qoyska Siyaad Barre ee Columbus ayaa, sida New York Post sheegtay, dib u soo celiyay xusuuso culus oo ku saabsan taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee dalka uga qaxay colaadaha iyo tacaddiyada loo aaneynayo inay gaysatay Dowladdii militariga ee Soomaaliya. Wargeysku wuxuu soo xigtay xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka hadlay xusuusta qoysaskooda iyo dadkii ay waayeen xilligii dowladdii Kacaanka. Mid ka mid ah dadka la wareystay ayaa New York Post u sheegay inuu aad uga xumaaday markii uu arkay wiilka Siyaad Barre oo si xor ah ugu nool magaaladda waliba ku tukanaya Masaajida, isaga oo xusay inuu qoyskiisa ku waayay dhacdooyin uu ku eedeeyay Ciidamadii Dowladdii hore. Waxaa sidoo kale jira baaqyo ka imanaya qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee sheegaya inay dhibbanayaal u yihiin xukunkii hore, kuwaas oo doonaya in hay'adaha Mareykanka ay si dheeraad ah u eegaan xiriirrada ganacsi iyo dhaqaale ee dadka ay warbixintu xustay. Fiiro gaar ah: Qodobada kor ku xusan ee la daabacay waxay ku saleysan yihiin oo kaliya warbixinta New York Post iyo xogta lagu soo bandhigay baaritaankeeda, eedeymaha la xiriira dambiyada, Ganacsiyada ama lacagaha Dowladda lagama dhigan karo xaqiiqo qof gaar ah lagu xukumo ilaa ay helaan caddeyn madax-bannaan ama go'aan Maxkamadeed oo rasmi ah.
ISHA-HIIRAAN NEWS AGENCY.