AXMED SHAMSUDIIN WAA NINKII MINDIDA KU WEERARAY…

1000.jpeg

Wellington,New Zealand:Axmed Caadhil Maxamed Shamsadiin waa nin reer Siirilaanka ah da’adiisuna waa 32-jir,Axmed ayaa shalay waxa uu Mindi ku weeraray dad ka suuqaysanaayey Supermarket ku yaalo magaaladda Aucland waxa uuna weerarkaas Axmed ku dhaawacay dad gaarayo ilaa todobo qofood.Axmed ayey dawladda New Zealand horay u xirtay isagoo lagu eedeyey inuu daawan jiray Video-ga eey soo saaraan kooxda ISIS sannadkii 2018-kii,ugu dambayntii Axmed ayaa shalay waxa uu ku baxay(Dhintay) gacant cidamadda ciidamadda amaanka dalka New Zealand. Booliska New Zealand ayaa si feejigan ula socon jiray dhaqdhaqaaqa Axmed waxa shalay dhacayne waxa eey ahayd wax uu Axmed si kedis ah u sameeyey oo waxa uu Mindi ka soo qaatay dukaan lagu gedaayey waxa uuna ku dhaawcay shan qofood oo markaas ka agdhaweed kuwaaso seddex ka mida eey llidato xaaladooda caafimaad,dadka uu Axmed dhaawacay ayaa waxaa ugu da’a yar gabar 29-jir ah waxaane ugu da’aweyn nin 77-jir ah. Warqad ka soo baxday maxkamadda ayaa lagu cadeeyey in Axmed ka soo jeedo Musliminta Tamiilka ee dalka Siirilaanka,Axmed ayaa dalka New Zealand soo galay toban sano ka hor waxa uuna ku soo galay fiiso ardaynimo ka dibne waxa uu Axmed dalbaday qaxootinimo waxaane Axmed qaxooti loo aqoonsaday sannadkii 2013-kii. XIGASHO AP.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

SHIXNAD HUB AH OO LAGU QABTAY KHARTUUM.

Next
Next

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY DALKA NEW ZEALAND.