(MUUQAALKA)-AXMED MADOOBE IYO MAXAMUD SAYID.
(KIMAAYO/JUBALAND)-BREAKING NEWS: Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegaayo in Madaxweyne Axmed Maxamed Islam uu shaqo joojin ku sameeyey Madaxweyne Ku-Xigeenkiisa Mudane Maxamud Sayid Aden kaaso ey in mudda ah ey wada shaqeynaayeen, balse mudooyinka dambe ayaa waxaa jiray guux ah inuu jiro khilaaf ka dhexeeyo labada masuul ee ugu sareeyso Jubaland. Wararka ayaa sheegaayo in hogaamiyaha Jubland Madoobe uu soo saaray qoraal uu u diray dhammaan Hayadaha kala duwan ee ka hawlgala Dawlad Goboleedka Jubaland taasoo uu ku sheegay ineysan ka amar qaadan Madaxweyne ku xigeenkiisa Sayid, arrintaan ayaa u muuqata iney banaanka keentay khilaafkii qarsoonaay ee ka dhexeeyey labada masuul, khiaafkan ayaa la rumeydsan yahay inuu yahay mid salka ku haayo dhawr arrimood ey ka mid tahay arrinta G/Gedo,waxaane jirta in Maxamud Sayid Aden uu si cad oo aad u adag uu uga horyimid heshiiska dhexmaray Taliyihii hore Hayadda NISA ee Jubaland C/rashiid Janan iyo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe,sidoo kale Maxamud Sayid ayaa iska diiday magacaabis uu sameeyey Gudoomiyaha G/Gedo Mudane AL-Qaadi. Dhinaca kale, waxaa jirta in Madaxweyne Axmed Madoobe uu qabo shaki ah in Maxamud Sayid iyo Dawladda Federaalka uu ka dhexeeyo xiriir gaar ahaan xafiiska Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Maxamud Sayid ayaa baraha bulshada soo dhigaayey qoraalo uu kaga soo horjeedo magacaabista uu sameeyey Gudoomiyaha G/Gedo AL-Qaadi,taaso Gudoomiye loo magacaabay degmada B/Xaawo ee G/Gedo,waxaane xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubaland Md.Maxamed Ibrahim Ogle iyo Maxamud Sayid ey leeyihiin xiriir aad u wanaagsan waxa eyna hal meel ka wada istaageen magacbista uu sameeyey Gudoomiyaha G/Gedo AL-Qaadi. Madaxweyna ku xigeenka shaqada laga joojiyey Maxamud Sayid ayaa sameyn aad u xoogan ku leh G/Gedo, waxa eyna arrintaan dhallin kartaa iney wiiqdo awoodii Axmed Madoobe ku lahaay G/Gedo kulana tartamaayey Dawladda Federaalka Soomaaliya,waa haddii Maxamud sayid uu weecdo dhanka Dawladda Fedrraalka soomaaliya lana shaqeeyo.
SUUQBACAAD MEDIA.