AXADA OO LOO BALANSAN YAHAY…
SAWIRKA AFARTA XUL QARAN EE AFRIKA KU METELAYO KOOBKA ADDUUNKA EE FIFA-U17.
(ALGERIA)-Sida aan horayba idiinku balan qaadnay haddii nahay bahda Suuq-bacaad Media waxa aan si hufan idiinla wadaageynaa soo gudbinta Tartanka Kubadda Cagta ee Qaranada Afrika ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano kaaso hadda si habsami leh uga socdo dalka Aljeeriya,tartankaan oo soo bilawday 29/4/23-ka ayaa hadda maraayo heer gabagaba ah waxaane labadii maalmood ee la soo dhaafay dhacay kulanadii Quarter Final-ka ahaay,kulankii ugu dambeeyey ayaa waxa wada cayaaray xulalka Nigeria Vs Burkino Faso(1-2) waxaa ku adkaaday B/Faso,kulanka isna shalay la cayaaray ayaa waxaa isku arkay xulalka Mali Vs Congo(3-0) ku adkaaday xulka dalka Mali sidaasne waxaa kulanada Semi Final-ka ugu soo gudbay xulalka Seniga,Bukino Faso,Mali iyo Marooko. Maalinta Axada ah kuna beegan 14/5/23-ka ayaa la cayaari doonaa kulanada Semi Final-ka waxa eyna kooxuhu isu arki doonaa sidaan: Senigal Vs Burkino Faso,kulankaan ayaa ka dhici doono garoonka 19-May-1956 saacadu markeey tahay (17:00)-galabnimo waqtiga dalka Algeria,kulanka labaad ayaa isna waxaa isku arki doono xulalka Marooko Vs Mali kulankaan ayaa ka dhici doono garoonka Xamlaawi saacadu markey tahay (20:00)-fiidnimo waqtiga Algeria,xusuus afartaan kooxood ayaa Qaaradda Afrika ku meteli doonaan tartanka kubadda cagta adduunka ee FIFA-U17 ee dhici doono dabayaaqada sannadkaan 2023-ka. HALKAAN KALA SOCO WIXII MATIIJA AH.