AQALKA SARE OO U CODEEYEY SHARCIYADA…
(SAWIRKA)-SENITARADA AQALKA SARE OO U CODEEYEY.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Cabdi Xaashi C/laahi oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Md.C/laahi Timacadde ayaa maanta shir Gudoomiyey kalfadhiga 5-aad kulanadiisa 23-aad iyo 24-aad,kulanka Ajandihiisa ayaa ahaay: (1)-Akhrinta Seddexaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare. (2)-Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Nuucyada eyniga Dhir Beereedka. (3)-Akhrinta 2-aad ee Sharciga Badbaadada Dhir beereedka iyo Takoorka. Ugu horeyntii waxaa la gudagalay Ansixinta Sharciga Tacliinta Sare ee dalka,ka dib markii Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare Senitar Cismaan Maxamud Maxamed Dufle ey Senitarada la wdaaageen xogta akhrinta labaad iyo sida ey u soo qaabeeyeen Sharciga Tacliinta Sare,waxaane intaas ka dib Codka Kalsoonida ah siiyey 28-Senitar mana jiraan waxa diiday. Markii uu xirmay Ajandahaas ayaa la guda galay akhrinta 2-aad ee Sharciga Abuurka iyo Nuucyada Eyniga dhir beereedka iyo Takoorka,waxaane dood iyo falanqeyn ka dib la isla qaatay in labadaas Sharci oo muhimad gaar ah u leh dalka,isla maanta la meel mariyo soo jeedin ka timid Senitarada qaarkood. Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaana cod geliyey soo jeedinta Senitarada qabay in isla maanta labadaas Sharci la marsiiyo akhrinta Seddexaad sidaas ayeyna ku ogolaadeen Senitaradii kulanka soo xaadirtay,waxaane intaas ka dib la sameeyey Ajande cusub oo lagu Ansixinaayo labada Sharci,waxane ogolaatay 27-Senitar hal Senitarne waa uu ka aamusay mana jirin cid diiday, Sidaas ayeyna labada sharci maanta uga gudbeen Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Wasiiradda Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Beeraha ee XFS Faarax C/qaadir iyo Maxamed Cabdi Maareeye oo kulanka maanta goobjoog ka ahaa ayaa Senitarada Aqalka Sare ee BJFS iyo Gudiyadii ka shaqeeyey sharciyadaan maanta la Ansixiyey uga mahaceliyey sida wanaagsan oo ey turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen Sharciyada loo ansixiyey oo muhimad gaar ah u leh dadka iyo Dawaladda Federaalka Soomaaliyeed.
ISHA-SNTV.