ANTONY BLINKEN OO KA HADLAY…
ANTONY BLINKEN.
(ATHENS)-Dalka Maraykanka ayaa daneynaayo isla markaasne taageeraayo in xal siyaasadeed loo helo kala duwanaanshada u dhexeyso dalalka Turkiga iyo Giriiga,sidaas waxaa sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken isagoo ku sugan Caasimadda dalka Giriiga ee Athens maanta oo Talaada ah(21/2/23)-ka maalin uun ka dib markii uu soo booqday Jaziirada Aegean ee dalka Turkiga. “Waxa aan rumaysanahay in tani tahay mid ey wada daneynayaan labada shacab ee Turkiga iyo Giriiga waxa aane rajaynayaa iney sidaan nala qaadan doonaan saaxibadeyna”,sidaas waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ka dib markii la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Giriiga Nikos Dendias.
ISHA WARKA AA.