ALSHABAAB OO WEERARTAY SALDHGIYO CIIDAN.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA KOOXDA ALSHABAAB.
(BAYDHABO/QORYOLEY)-Wararka aan ka heleyno Goboladda Bay iyo Shabeeladda Hoose oo dhammantood ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in kooxda Alshabaab ey ku soo qaaday weeraro degaano ka kala tirsan labadaas Gobol,degaanada ey kooxda Alshabaab saakay soo weerartay ayaa kala degmada Diinsoor kana tirsan G/bay waxayna kooxdu weerareen saldhig ey iska leeyihiin ciidamadda Itoobiya ee ka tirsan ATMIS,waxaane weerarka xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamadda Itoobiya iyo kuwa kooxda Alshabaab ee soo weerartamay,saraakiisha ciidamadda DFS oo ka hadlay dhacadaas ayaa sheegay in la iska caabiyey kooxdii soo weerartay saldhiga ciidamaddaq Atmis ee degmada Diinsoor xaaladuna hadda ey tahay mid degan. Weeararka kale ayaa isna waxa uu ka dhacay degmada Qoryooley ee G/shabeeladda Hoose gaar weerarka ayaa waxa uu ka dhacay degaanadda Ufuraw iyo Lambar lixdan,weerarada mid ka mid ah ayaa lagu beegsaday saldhiga ciidamadda Ugandha ee ka tirsan Atmis iyo xerooyin kale ey degan yihiin ciidamadda DFS,ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac waayo weerarada ayaa waxa ey dheceen waqti habeen ah. Weeradaan ayaa imaanayo ka dib markii shalay kooxda Alshabaab laga dilay Horjooge weyn oo dhaqaalaha uga soo ururin jiray Goboladda Bay,Bakool iyo Gedo laguna magacaabi jiray Jilib.
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.
MUQDISHO/SOMALIA.