ALSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL KU YAALO B/WEYNE.
(SAWIRKA)-GOOB QARAX KA DHACAY.
(B/WEYNE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Hiiraan ee B/weyne ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in saakay waaberigii kuna beegneed waqtigii salaada Subax ey kooxda AL-shabaab ey weerar qorsheysan ku soo qaaday Hotel-ka Qaahira ee ku yaallo Galbeedka magaaladda B/weyne gaara ahaan xaafadda H/wadaag, halkaso ey deganaayeen dad la sheegay iney isugu jireen Odayaal Dhaqameed, Saraakiil Ciidan iyo Ganacsato xoolo ka iibsata suuqa weyn ee degmada B/weyne. Nabadoon ka mid ah Nabadoonadii ku sugneed Hotelka-Qaahira lagana soo badbaadiyey weerarka ALshabaab ayaa warbaahinta uga sheekeeyey sida ey wax u dheceen,waxa uuna sheegay inuu muddo dheer agaalamaayey ugu dambeyntiina uu naftiisa badbaadsaday isag oo dhaawac fudud qaba. Nabadoona ayaa yiri”Salaadii Subax anaga oo cibaado ku jirna ayey nagu dhufteen Gaaro Leyla Calawi ah oo ey ka buuxaan waxyaabaha Qarxa ka dibne waxa gudaha Hotel-ka sii galay rag kale oo ALshabaab ah hubeysane kuwaaso tiradooda ey u dhexeysay 6 ilaa 7 dagaalame”