ALSHABAAB OO NABADOON KU DISHAY DAYNIILE.
(SAWIRKA)-BOOLISKA DEGMADA DAYNIILE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaayo in halkaasi habeenkii xalay uu ka dhacay weerar Qorsheysan ey soo qaadeen kooxda Alshabaab,weerarka ayaa lala beegsaday guri ka sameysan Jiingad uuna deganaay Nabadoon caan ka ah degmada Dayniile lana yoraahdo Cabdi Xasan Muxyadiin(Cabdi-Kaduud),sida ey sheegeen goobjoogayaal weerarka ayaa waxa uu bilawday Kowdii habeenimo waqtiga Muqdisho,waxaane weerarka soo qaaday ilaa shan iyo toban maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso watay dhawr gaadiidka dagaalka ah,Nabdoon Kaduud iyo wiil ilaalo u ahaay ayaa isku dayey iney iska difaacaan kooxda soo weerertay balse uma eysan suurtagelin iney iska difaacaan kooxda Alshabaab waxaane goobta lagu dilay Nabdoon Cabdi Xasan Kaduud iyo wiilkii ilaalada u ahaay waxaane la watay wiil kale uu adeer u ahaay Nabadoonka iyo gaarigii Nabadoonka. Ciidamadda NISA oo aaga wax ka dheceen ka dhawaa ayaa arkay gaari uu dusha ka saaran yahay nin indhaha ka duuban iyo rag ilaalinaaya waxa eyna ciidamadii NISA isku dayeen iney istaajiyaan gaarigii balse waa uu diiday inuu joogsado waxaane halkaas ka bilawday is xabadeyn labada dhinac ah waxaane ciidamaddii NISA sidaas ugu suurtagashay iney soo qabtaan laba ka mid ah maleeshiyaadkii Alshabaab waxa eyna dileen mid seddexaad waxa eyna dib ula soo noqdeen gaarigii uu lahaay Nabadoon Cabdi Xasan Kaduud. Arrintaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka degmada Dayniile waxa uuna sheegay in ragii la qabtay lagu wareejiyey hayadaha amaanka si ey ugu gudbiyaan Maxkamadda.
ISHA/SB-MEDIA.