ALSHABAAB OO MAANTA LAGU XASUUQAY DEGAANKA MAXAA SACIID.

(SAWIRKA)-ASTAANTA NISA.

(MAXAA SICIID/SH.DHEXE)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Shabeeladda Dhexe isla markaasne ah caasimadda Dawlad Goboleedka H/Shabeelle ee Jawhar ayaa sheegaayo in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fulisay tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa dhacay xilli dhagarqabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey. Inkastoo Hayadda NISA eysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira weerarka lagu laayey Horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ALshabaab iyo ilaaladooda hadane waxaa jira ilo xog-ogaal ah kana warhaayo degaanadda la sheegay in weerarka laga fuliyey kuwasoo sheegay in weerarka dhacay galabta Casirkii uu galaaftay nolosha Horjoogayaal ALshabaab ah iyo dad u dhashay degaanka Maxaa Siciid oo ey xoog ku wateen. Dadka rayidka ah ee degaanka kuna dhintay duqeynta xoogan ee dhacday maanta ayaa tiradooda lagu sheegay iney dhan tahay ilaa 14-qofood, waxa eyna isugu jiraan Odayaal Dhaqameed degaanka ka tirsan, Ganacsato iyo kuwa kale ey ALshabaabku xoog ku wateen weerarka ka hor, weli lama helin magacyadda dadka shacabka ah ee ku dhintay duqeynta maanta ka dhacday Maxaa Siciid balse warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA ayaa soo ogaatay in Horjoogayaasha la dilay ey ka mid yihiin: (1)-Cabdi Dhegeey, oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaay arrimaha Tashkiilinta caruurta degaanka bacdamaa uu yahay nin ka soo jeedo degaanka Maxaa Siciid. (2)-Sheekh Cali Nuur, waa nin u dhashay degaanka Maxaa Siciid, waxa uuna kooxda Khawaarijta ALshabaab u qaabilsanaay soo ururinta Baada taaso kooxdu u taqaano ZAKAWAAT,ninkaan oo degaanka u dhashay ayaa baada kasoo qaadi jiray degaanadda Nuu-Dugle, Qaahira iyo Maxaa Siciid. (3)-Xasan Nuur Cali, waxa uu kooxda Khawaarijta u qaabilsanaay dhinaca Miino dhigidda ee G/shabeelada Dhexe. (4)-C/laahi Muxayadiin kuna magac dheer(BUKURi), waxa uu hadda ahaay ku Xigeenka Gudoomiyaha Masaajid Cali Gaduud ee kooxda Khawaarijta ALshabaab. (5)-Macallin Muxumad, waxa uu ahaa Ku-Xigeenka Madaxa waliyaadka Sheabeeladda dhexe Kaba-ku dukade, isla markaasne waxa uu ahaay Gudoomiyaha Ceelbacad.

SUUQBACAAD MEDIA.

Next
Next

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA CARABTA IYO HINDIYA OO GAARAY HESHIIS.