AFGEMBI MAR KALE KA DHACAY DALKA BURKINO FASO.

CIIDAMADDA BURKIINO FAASO.

(DOULA)-Golaha ciidamadda ee dalka Burkiino Faso ayaa xaqiijiyey in dalka Burkino Faso uu ka dhacay Afgembigii labaad maanta oo Jimca ah sida laga baahiyey Tv-ga dawladda waxaane xukunka dalka Burkino Faso laga riday hogaamiyihii hore ee xukunka Afgembiga ku qabsaday bishii Janaayo. Saraakiil Mileteri ah ayaa akhriyey qoraal eey ku sheegayaan in dalka Burkino Faso uu ka dhacay Afgembi xilka looga tuuray Gaashaanle dhexe Paul-Henri Damila ahaayne madaxweynihii Mileteri ee ku meel gaarka ahaay,waxaane la soo bandhigay in seddex xidigle Ibraahim Traore yahay sarkaalka ka dambeyey Afgembiga. Golaha ciidamada ee qabsaday dalka Burkiino Faaso ayaa sheegay ineey baabi’iyeen dastuurkii,kala direen xukuumadii,xireen dhammaan xuduudyada dalka ilaa amar dambe.Waxaane la soo rogay bandaw bilaaban doono sagaalka fiidnimo(9:00)PM kuna eg shanta subaxnimo(5:00)AM.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.

Next
Next

AFGEMBI LAGA CABSI QABO INUU KA DHACAY…