AFDUUB DULEEDKA B/WEYNE LOOGU GEYSTAY MAAMULE DUGSI.

(MUUQAALKA)-MAAMULE SHANLE.

(GIOHAR/H/SHABELLE)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle, Saciid Hagar Camalow, ayaa si kulul uga hadlay afduubka loo geystay maamulaha Machadka Tababarrada Macallimiinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne, Ustaad Xasan Cali Gorod Shanle.Wasiir Saciid Camalow oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay dhacdada ayaa sheegay inuu ka xun yahay afduubka maamulaha xarunta tababarka macallimiinta Beledweyne, isagoo tilmaamay in falkaasi uu yahay mid aan ku habboonayn, kana soo horjeeda nidaamka Islaamiga ah, dowladnimada iyo bani’aadannimada. “Waxaan leeyahay xuriyadiisa ha helo macallinkaas maamulaha ah oo wax badan bulshada u soo shaqeeyay,” ayuu yiri wasiirku. Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareyneyso afduubka Ustaad Xasan Cali Gorod Shale.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Ustaad Xasan Cali Gorod Shale ay kooxo hubeysan saaka, abbaaro 8:30 subaxnimo, ka afduubteen magaalada Beledweyne, xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada. Wasaaradda ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay falkaasi, iyadoo xustay in Ustaad Xasan uu muddo ka badan 25 sano ka soo shaqeynayay waxbarashada, isla markaana uu jiilal badan oo ka mid ah bulshada reer Beledweyne ku soo barbaariyay aqoon, tarbiya iyo waxbarasho. “Waa arrin aad looga xumaado in macallin cimrigiisa u huray waxbaridda iyo kobcinta bulshada lagu afduubto magaalada uu muddada dheer wax ku barayay,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaankeeda. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ugu baaqday hay’adaha amniga iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga shaqeeyaan sii-deynta Ustaad Xasan Cali Gorod Shale, lana xaqiijiyo badqabka iyo caafimaadkiisa. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku adkeysatay in macallimiinta iyo bahda waxbarashadu ay mudan yihiin ixtiraam, ilaalin iyo amni, maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshada. Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Ustaad Xasan Cali Gorod Shale, qoyskiisa, bahda waxbarashada iyo dhammaan bulshada ka walaacsan dhacdada.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

GANACSATADA SOO GELOOTIGA AH EE JARMALKA OO XIRAY GANACSIGOODII.

Next
Next

GUDIGA DOORASHOOYINKA OO AQBALAY GO’AANKII MAXKAMADA SARE.