ADAANKA SALAADA OO MINNEAPOLIS LAGA…
MASJID MINNEAPOLIS.
(MINNESOTA)-Magaaladda Minneapolis ee ka tirsan gobolka ey Soomaalidu u badan tahay ee dalkaasi Maraykanka ee Minnesota ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay oo weyn kuna taalo dalka Maraykanka oo laga ogolaaday in si sharci ah looga Adimi karo shanta Salaadood ayadoo codbaahiyeyaasha kor loo qaado codkooda. Golaha degaanka ee magaaladda Minneapolis ayaa si buuxda ugu codeeyey(12-0) maalitii shalay oo Khamiis ahayd(13/4/23)-ka habeenimadedii,waxaane la ogolaada in AADAANKA shanta Salaadood kor loo qaado Codbaahiyeyaashooda dhammaan Masaajida ku yaalo magaaladda Minnepolis kuwaaso horay loogu diidanay in codbaahiyeyaasha kor loogu Adimo,Golaha Muslimiinta Maraykanka (CAIR) qeytooda gobolka Minnesota ayaa hubiyey sheegayne in go’aanku yahay “Guul Taariikhi ah oo loo qaaday dhinaca xuriyada Diinta iyo dadka intiisa badan.”
ISHA WARKA AA.