78-DHIMASHO,104-LA SOO BADBAADIYEY.
(SAWIRKA)-DOONTII LAGU HOOBTAY EED ALKA GIRIIGA.
(ATHENS)-Sagaal qofood oo lagu tuhmaayo iney yihiin kuwa dadka Tahriibiyo ayaa lagu soo edeeyey iney Naakhuudayaal ka ahaayeen doon kalluumaysi taaso ku degtay xeebaha dalka Giriiga todobaadkii tegay,eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa iney ka soo muqdaan maxkamada maanta oo Isniin ah(19/6/23)-ka,waxaane jiro edeymo adag oo loo soo jeedinaayo dawladda Giriiga kuna saabsan sida ey u maareysay dhacdadaan xanuunka badan. Doonta kalluumaysi ee degtay ayaa la soo sheegay iney saarnaayeen dad dhan 400 ilaa 750-qofood oo Tahriibayaal ah lana malaynayo iney noqdeen wax dhintay iyo wax la la’ayahay,doonta ayaa ku degtay qeybta ugu Mool dheer gudaha badda Miditereniyaanka meel u dhaw xeebta Pylos bishaan Juun-14-keedii. Dadka tahriibayey ayaa u kala dhashay dalalka Suriya,Masar,Afgaanistaan iyo Pakistan,waxaane ilaa hadda la soo badbaadiyey 104-qofood waxaane meydadkooda la helay 78-qofood waxaane weli socdo baaritankii dadka maqan.
ISHA WARKA MEE.