HAKAN FIDAN OO KA HADLAY XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA HAKAN FIDAN.
(ANKARA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Türkiye, Hakan Fidan, ayaa war ka soo saaray heshiiska ey gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo dowladda Turkiga ey garwadeen ka aheyd. Fiden ayaa waxaa uu taageeray heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday Xasilloonida Gobolka. Hakan Fidan oo la hadlayay Warbaahinta Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka Türkiga iyo Midowga Afrika. Wasiir Fidan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday sida Türkiga ey uga go’an tahay Ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ey kula jirto Al-Shabaab. “Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya si aan ula dagaallano kooxaha Xagjirka ah sida AL-Shabaab,” ayuu yiri, isaga oo muujiyay rajo ah in Arrimaha Amniga Soomaaliya la xallin karo waqti ka dib haddii la helo taageero Caalami ah oo joogto ah. Fidan ayaa heshiiska ey wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa uu ku sifeeyay tusaale ey dalalka Afrika uga faa’iidaysan karaan Xalinta Arrimahooda. “Heshiiska Nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa guul, waana tusaale muujinaya sida dalalka Afrika ey mas’uul uga noqon karaan Arrimahooda,” ayuu yiri Hakan Fidan. Markuu ka hadlayey doorka Türkiye ey ku leedahay geeddi-socodka nabadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu tilmaamay in uusan jirin dagaal hubaysan oo ka socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arrin wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inay weli jiraan xiisado gudaha ah oo ka taagan gudaha dalka una baahan xal deg deg ah. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli ku jira dhameystirka baaqii kasoo baxay Ankara, iyagoo haatan labada dal ey dib usoo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyeed.