72-SHIRKADOOD OO KU GUULAYSTAY ADEEGA XAJKA.
(SAWIRKA)-XARAMKA MAKAH.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudiga Tartansiinta Shirkadaha Bixiyo adeega Xajka ey maanta oo Arbaca ah soo saareen magacyada Shirkadaha ku Guuleystay iney bixiyaan Adeega XAJKA ee sannadka 1445/2024-ka. Gudiga ayaa shaaciyey 72-Shirkadood oo ku guulaystay Tartanka Adeega Xajka kuwaaso ka so dhex baxay shirkado fara badan oo u tatarmay Adeega Xajka, in waqti hore la sameeyo hawshaan waxa ey sahlaysaa in dadka raba iney xajiyaan helaan waqti ku filan ey ku diyaar garoobi karaan ayagoo aan ka dhicin waqtigii loogu talagalay iney ku safraan.
ISHA/CAASIMADA.