WAA MAXAY SABABTA EEY ERITREA UGU BIIRTAY DAGAALKA SOKEEYE EE ETHIOPIA?

191010-abiy-ahmed-mc-10032_64a4f6b3685118a4d0a11596548d85f5.fit-760w.jpeg

Dalka yar ee la yiraahdo Eritrea ayaa waxa uu ka tirsanaay dal weynaha Ethiopia,waxaane xukumi jiray dawladihii isaga dambeeyey taladda dalka Ethiopia ka hor inta aanuu gooni isu taagin. Dalka Eritrea ayaa waxaa taladiisa qabtay kaligiis taliye caan ka ah wadamadda Afrikada Bari lana yiraahdo Isaias Afwerki kasoo xukunka qabsadauy sannadkii 1991-dii waxaane loo yaqaanaa “ KALIGIGII TALIYIHII SHAYDAANKA AHAAY”. Madaxweynaha Eritrea Afwerki ayaa dagaalo waxa uu la kala galay wadamadda Ethiopia iyo Yaman dagaalka ugu xumaa ayaa waxa uu dhexmaray Ethiopia iyo Eritrea sannadkii 1998-2000,waxaane la sheegaa in dagaalkaas eey ku dhinteen dad gaaraayo inta u dhexeeyso 70-kun ilaa 120-kun qofood,waxa uu dagaal dhinaca badda ah la galay dalka Yaman sannadkii 1995-tii waxa uuna dagaalka ka dhacay jaziradaha Xuneesh ee dalka Yaman kuna yaala badda Cas,dhinaca kale dalka Eritrea waxa uu taageero aad xoog badan u fidiyey maxkamadihii islaamiga ahaay ee ka talinaayey Muqdisho sannadkii 2006-dii sababta eey Eritrea u taageertay maxaakimta islmaaiga ah ayaa ahayd dagaal kala dhexeeyey dalka Ethiopia,hadaba waxa jiro maqaal ku soo baxay wargayska “ NATIONAL INTEREST “ oo si fiican uga hadlaayo madaxweynaha Eritrea inuu yahay kaligii taliye shaydaan ah iyo doorka uu ku leeyahay siyaasadaha ka jiro gobolka gaar ahaan soomaaliya iyo ethiopia,Afawerki ayuu wagaysku ku tilmaamaa inuu yahay shaqsi dalkiisa ku xumaayey ciqaab loo gaysto dadka dalka u dhashay lana geliyo dagaal iyo inuu hadda qeyb ka yahay dagaalka sokeeye ee ka socdo dalka Ethiopia ee u dhexeeyo ciidamadda dawladda federaalka Ethiopia iyo kuwa tigreega. XIGASHO NATIONAL INTEREST.

HALKAAN RIIX.

Previous
Previous

TEHRAN OO LAGU DILAY SAYNISYAHAN.

Next
Next

TALIYAHA NISA OO LA SHEEGAY INUU YAHAY ALQAACIDDA.