43-QOF OO ITOBIYAN AH IYO 13-QOF OO SOOMAALI AH AYAA DIL SUGE AH,DALKEE?

(SAWIRKA)-DAD LAGU XUKUMAY DIL.

(SAUDI ARABIA)-Tobaneeyo qof oo ka soo jeeda Wadamadda Geeska Afrika oo xukun dil ah lagu xukumay Gudaha dalka Sacuudiga ayaa loo sheegay in dilkooda uu dhici karo “Maalin kasta”, sida ey Wargayska Middle East Eye u sheegeen Maxaabiista iyo Qaraabadooda. Raggan ayaa dhamaantood ka soo kala jeeda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana lagu helay dambi ah ka Ganacsiga Maandooriyaha, kaasoo xukun dil ah ka ah gudaha dalka Sacuudiga. Waxaa lagu hayaa Xabsiga Najiraan ee u dhow xuduudka dalka Yamen, Maxaabiista ayaa sheegay in la ogeysiiyay dhowr toddobaad ka hor in la fulin doono xukunkooda, sida caadiga ah xukunka ayaa ah qoorta oo laga gooyo, dhawaan la fulin doono. "Waxay nagu yiraahdeen nabad gelyo," ayuu MEE u sheegay mid ka mid ah ragga la xukumay oo diiday in magaciisa la shaaciyo. "Waxaa naloo sheegay in dilku bilaaban doono wax yar ka dib Ciidul Adxaa,ee la soo dhaafay. Liiska magacyada dadka la xukumay oo MEE ey heshay ayaa isugu jira (43)-Itoobiyaan ah iyo (13)-Soomaali ah. Sida ey sheegeen Maxaabiista, ugu yaraan lix ayaa la dilay bishii la soo dhaafay.

SARE U KACA DILALKA:

Amnesty International ayaa diiwaan gelisay ugu yaraan 52 xukun dil ah oo lagu helay dambiyo la xiriira daroogada gudaha boqortooyada inti u dhexeysay Janaayo ilaa Abriil. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa sameeyay isbedello dabayl ah oo lagu xoraynayo qaar ka mid ah bulshada Sacuudiga . Waxa kale oo uu marar badan ballan qaaday inuu wax ka beddelayo nidaamka caddaaladda ee adag ee dalka, kaasoo dembiyo waa-weyn ku tilmaamay sinada, riddada iyo “sixirka”. Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah dilalka.

"Dhammaan xukunnada Xabashida iyo Soomaalida ee aan diiwaan-gelinay sannadkan waxaa lala xiriiriyay xashiish ama tahriibin"

Duaa Dhainy, Ururka Xuquuqul Insaanka Sucuudiga ee Yurub

Si kastaba ha ahaatee, hakinta aan rasmiga ahayn ee ciqaabta dilka ah ee dembiyada Daroogada la xiriira ee la Ansixiyay 2021 ayaa la qaaday. Daldalaada ayaa markii danbe sii dardar galiyay. In ka badan 300 oo qof ayaa la dilay sanadkii hore, taasoo ah rikoor u ah boqortooyada. Sannadkan, 100 dil ayaa la diiwaangeliyay bishii Meey oo keliya. Mid ka mid ah sababaha suurtagalka ah ee kororka, sida ey qabaan khubaradu, waa in Daroogo dheeraad ah ey u muuqdaan in lagu daray liiska kuwa mudan ciqaabta dilka. "Waxaan la soconay kiisaska dilka-xukunka ee muwaadiniin badan oo Ajnabi ah muddo sanado ah, dembiyada Maandooriyahana badanaa waxay ku xiran yihiin walxaha sida Amphetamines ama cocaine," Duaa Dhainy, oo ah cilmi-baare ka tirsan Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub, ayaa u sheegay Wargayska MEE. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ogaanay in laga bilaabo 2024-kii, Ajaaniib badan lagu fuliyay Xashiish, sidaas darteed waxay ballaariyeen dambiyada keeni kara in la toogto, dhammaan dadka Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee dilalka ah ee aan diiwaangelinnay sanadkan waxay la xiriiraan haysashada Xashiish ama Tahriibin. Qoyska Khaalid Maxamed Ibraahim oo 27-jir ah, waxa dib u bilaabmaya dib u soo celinta xukunnada dambiyada Maandooriyaha ah, kuwaasoo qalbi-jab ku riday. Ibraahim walaalkii ka weyn ayaa ku adkeystay in walaalkii uusan wax dambi ah lahayn, wuxuuna sheegay in toddobo sano oo murugo leh ey qoyska u ahayd tan iyo markii la xiray. "Waxa uu isku dayay inuu dalka ka soo galo Yemen," Muleta(Waa Itoobiyaan) ayaa u sheegay MEE. "Waardiyihii xuduudka ayaa ku dhiirigeliyey inuu u sheego Maxaabiistiisa inuu yahay mukhalasiin Daroogo, isagoo sheegay iney u diri doonto Maxkamad isla markaana si deg deg ah loo nadiifin doono maadaama eysan jirin wax caddayn ah. Wuuna rumaystay."

CADAADIS KA CARARAYA:

Muleta ayaa sheegay in Ibraahim si hufan looga soo saaray dalkiisa. Waxa uu ka soo jeeda magaalada Chelenqo ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaanu ka mid ahaa ardaydii ka qayb qaadatay mudaharaadkii Oromada  ee 2016-kii, kaasoo ugu dambayntii uu is casilay Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn laba sano ka dib. Labada nin ee walaalaha ah waxay ka mid ahaayeen kumannaan dhallinyaro ah oo u xirnaa iney ka qaybqaateen kacdoonka dawladda lagaga soo horjeedo, Muleta ayaa xusay.

"Waxaa naloo sheegay in xukunku uu billaaban doono wax yar ka dib Ciidul Adxaa, haddana ey billaabeen"

- Maxbuus ku jira xabsiga Najiraan, Sacuudi Carabiya

Ibraahiim waa laga soo eryay iskuulkii, jaamacadna wuu dalban waayay, Ibraahim waxa uu isku dayay inuu noloshiisii ​​hore u sii wato, waa uu guursaday, dhawr sano ayuuna xoog ku shaqayn jiray. Laakiin markaas naagtiisii ​​ayaa Uuraysatay. "Wuxuu rabay inuu wiilkiisa u helo nolol dhaanta tan, laakiin [dowladda] waxay xiray dhammaan fursadaha isaga," ayuu yiri Muleta. "Taasi waa sababta uu uga tagay Itoobiya." Ibraahim waligiis kuma noolaan sidii nin xor ah gudaha Sacuudi Carabiya, maadaama isla markiiba la xiray markii uu yimid 2018. Ka dib 11 Maxkamadood, waxaa lagu xukumay dil bishii Oktoobar 2019. Waligiis fursad uma helin inuu la kulmo wiilkiisa, oo hadda siddeed jir ah. Dhainy wuxuu sheegay in kiisaska sida Ibrahim oo kale ey caadiyan u sii maraan Maxkamadaha ilaa Maxkamadda Boqortooyada, oo ah tan ugu sareysa Sacuudi Carabiya, halkaasoo xukunnada dilka ah uu saxiixo Boqorku. "Si kastaba ha ahaatee, mararka qaarkood dukumeentiyadu waxay muujinayaan in eedaysanuhu uusan waligiis lahayn qareen," ayuu yiri Dhainy. "Sidoo kale, ma jirto dammaanad qaad ah in Maxbuusku uu fahmay eedeymaha, uu haysto tarjumaan ama uu ka warqabo waxa ku jira dukumeentiyada, oo ey ku jiraan Qirashada, in mararka qaarkood la sameeyo si uu u saxiixo." Muleta ayaa sheegay in walaalkii uu u sheegay in jirdilka iyo garaaca ey caadi ka yihiin xabsiga Najiran. Dareen ahaan, caddibaadda qoyska ayaa ka sii darnayd toddobaadyadii la soo dhaafay. "Waxay cadaab u ahayd waalidkay," Muleta ayaa raaciyay. "Way waalan yihiin, wax walba waan isku daynay, waxaan isku daynay inaan mas'uuliyiin ka barysano gargaar, laakiin qofna waxba ma sameyn." Dhowr Maxbuus oo dil toogasho ah loogu xukumay Najiraan ayaa sidoo kale MEE u sheegay in qoysaskooda ey sanado badan ka codsanayeen iney kaalmo ka helaan dowladooda, oo ey ku jiraan diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo fadhigoodu yahay Sacuudiga. Safaarada Itobiya ku leedahay dalka Sucuudiga oo taariikhda ku duugan iney qariso dhibka loo geysto dadka Itoobiyaanka ah ee ku jira nidaamka garsoorka Sucuudiga ayaa lagu dhaliilay iney wax ka qaban la’dahay arrintan. Middle East Eye waxay la xiriirtay danjire Muktar Kedir Abdu si ey faallo uga bixiso, laakiin ma jirto wax jawaab ah.

SOOMAALIYA CADAADIS:

Soomaaliya, oo si weyn looga hadal hayo warbaahinta iyo ololaha ey wadaan qoysaska Maxaabiista dilka lagu xukumay, ayaa keentay in dowladda Soomaaliya ey si cad uga codsato maamulka Sacuudiga iney u naxariistaan, isla markaana ey bulshada si weyn uga warqabto khatarta. Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online, ayaa si weyn wax uga qortay xaaladda Soomaalida lagu xukumay dilka ee Sacuudiga. " Warbixintayadu waxay gacan ka geysatey in indhaha caalamka iyo dalkaba loo soo jeediyo ku dhawaad ​​50-qof oo Soomaali ah oo wajahaya xukun dil ah gudaha Sucuudiga qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa lagu khasbay iney tahriibaan iyagoo been abuur ah," Dalmar Guure, oo ah tafatiraha guud ee Hiiraan Online, ayaa u sheegay MEE. "Iyada oo ey weheliso cadaadiska qoysaska, tabinta Warbaahinta Soomaalida ayaa gacan ka geysatay dardargelinta ka qaybgalka diblomaasiyadeed oo ey ku jiraan wadahadal ku saabsan wareejinta Maxaabiista iyo codsiyo cafis." Ciidanka xabsiga Najiraan ma aha kooxda kaliya ee tirada badan ee Afrikaanka ah ee xukun dil ah lagu xukumo Sucuudiga. Horaantii bishan, saraakiisha Qaramada Midoobay waxay walaac ka muujiyeen xukun dil ah oo 26 qof oo Masaari ah oo lagu xukumay xabsiga Tabuuk ee Waqooyiga, kuwaasoo lagu helay dambiyo la mid ah kuwa Daroogada. Waxay cambaareeyeen xukunnada iyagoo ku tilmaamay "Xadgudub sharciga caalamiga ah". Toddobaadkii hore, in ka badan 30 Urur oo u dooda xuquuqda, oo intooda badan fadhigoodu yahay Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa daabacay warqad furan oo ey ugu baaqayaan Amiirka Dhaxalsugaha ah inuu ka khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu xukumay in ka badan boqol Itoobiyaan, Masaari iyo Soomaali ah. Horay waxaa xukunka dilka ah loogu fuliyey lix Maxbuus oo ku jiray Xabsiga Najraan bishii la soo dhaafay,qaabka loo fuliyo xukunka dilka ah ee dala Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah Qoorta oo lagaa jaro.

XIGASHO-MEE.

Next
Next

BAARLAMAANKA JARMALKA OO WAX KA BEDELAY SHARCIGA ISU KEENIDA QOYSASKA SOO GELOOTIGA.