(Paris)-Maanta oo Arbaca ah kuna beegan(15/9/2021)-ka waxaa magaaladda Baariis ee caasimadda dalka Faransiiska ka bilaabatay dacwad loo haysto dadkii gaystay weerarki lagu hoobtay ee ka dhacay magaaladda Baariis 13/11/2015-kii,weearkaan ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa boqol iyo sodon qofood oo wada shacab ah,dadka ka qeyb qaatay weerarka ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhammaeed sagaal dagaalyahayn kana wada tirsan kooxda Daacish,goobaha la weerary ayaa waxaa ka mida garoonka ciyaaraha ee ku yaalo waqooyiga Baariis,goob laga cabo kafeyga iyo goob lagu jilo riwaayadaha,sida la sheeagayne weerarkaan ayaa ah kii ugu xumaay ee ka dhaca wadamadda Yurubta Galbeed. Saalac Cabdisalaam oo ka mid ah raga qaaday weerarka balse isaga ka badbaaday inuu ku dhinto ka dib markii uu qarxi waayey suunkii uu isku soo xiray ayaa waxa uu ka soo hormuuqday maxkamadda magaaladda Baariis,kooxda gaysatay weerarka ayaa ka kala yimid dalalka Faransiiska iyo Biljamka. Saalax Cabdisalaam waxa uu ahaya ninkii weday baabuurkii eey saarnaayeen dadkii is qarxiyey sida laga arkay Video la keenay maxkamadda,Saalax ayaa baabuurka soo weday habeenkii oo dhan waxa uuna baabuurka ka soo weday caasimadda Biljamka ee Buruuksal waxa uuna keenay magaaladda Baariis,baabuurka yaa la soo sheegay ineey saaranaayeen labaatan dagaalyahan kana tirsan Daacish waxaane maqan lix ka mida,Saalax ayaa la soo qabtay bil ka dib markii u dhacay weerarka,waxa uuna Saalax sheegay in dhimashadda dadka shacabka ah eey masuul ka tahay dawladda Faransiiska waayo waxa eey weerar cirka ah ka gaysatay dalalka Ciraaq iyo Suuriya”inagu waan la dagaalayna Faransiiska,waana weerarayna aFaransiiska waxaane inoo bartilmaameed ah dadka shacabka ah,waxba nalama ah inaan iyaga weerarno”sidaas Saalax Cabdisalaam.XIGASHO AP
Previous
Previous
ASKERI SOMALI-MARAYKAN AH OO ….
Next
Next