23-QOF OO KU DHIMATAY DAB KA KACAY DUKAAN KU YAALO DALKA MEXICO.

(SAWIRKA)-GOOBTA GUBATAY.

(MEXICO)-Dab ka kacay dukaan sameeyey qiimo dhimis oo ku yaalla Waqooyi-galbeed ee dalka Mexico ayaa dilay ugu yaraan 23 qof, waxaana ku dhaawacmay 11 kale, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Axadda maanta ah. Dabka ayaa ka kacay meel laga soo galo Waldo's, oo ah silsiladda dukaamada dollarka ee Mexico, Sabtidii oo ku taal Hermosillo, caasimadda gobolka Sonora, ee Waqooyiga Mexico. Gavanaha Alfonso Durazo ayaa ka digay in qaar ka mid ah dhibanayaasha ay yihiin caruur. "Qaraxa ka dhacay bakhaarka Waldo ee bartamaha Hermosillo waxa uu murugo weyn ku reebay dhammaan Sonorenses," Durazo ayaa sidaas ku yiri warbixin kooban oo muuqaal ah oo lagu daabacay baraha bulshada. "Hadda waxaa jira 23 qof oo dhintay, 11 kalena waa ay dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaallada magaalada," ayuu hadalkiisa ku daray Durazo. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu amray  "  baaritaan hufan oo dhameystiran si loo caddeeyo sababaha dabka, loona ogaado cidda mas'uulka ka ah."

GAASKA SUNTA AH AYAA KOR U QAADAY TIRADA DHIMASHADA.

Inta badan 23 ka dhimashadu waxay u muuqdeen kuwo ka dhashay neefsashada sunta, ayuu yiri Gustavo Salas, Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka, isagoo soo xiganaya adeegeeda caafimaadka ee dambi baarista. "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii iyo kuwii ay jeclaayeen kuwii naftooda waayey," Madaxweyne Claudia Sheinbaum  ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigtay X, iyadoo raacisay inay fartay kooxo taageero ah in loo diro si ay u caawiyaan qoysaska dhibanayaasha iyo kuwa dhaawacmay. Laanqeyrta Cas ee Sonora ayaa sheegtay in shaqaalaheeda 40 iyo 10 Ambalaas ay ku biireen dadaalka, iyaga oo lix safar ku tagay isbitaalka.

MAXAA KALE OO AAN KA OGNAHAY DABKA KA KACAY DUKAANKA SAMEEYEY QIIMO DHIMIS EE DALKA MEXICO?

Maamulka magaalada ayaa sheegay in dabku uu u badan yahay inuusan ahayn weerar lala beegsaday. "Waqtigan xaadirka ah, ma jirto wax muujinaya in dabka si ula kac ah loo qabsaday," ayuu yiri dacwad oogaha, isagoo intaas ku daray "in baaritaanku uu ku eegayo transformer-ka yaalla gudaha bakhaarka." Dabka ayaa dhacay saqdii dhexe ee shalay, iyadoo bakhaarka ay buux dhaafiyeen macaamiil badan oo wax ka iibsanayay ka hor munaasabadda maalinta dhimashada. 

XIGASHO-DW.

Previous
Previous

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY GUDAHA TARIIN UK.

Next
Next

MUSHARAXA UGU CADCAD DOORASHADA GOOLKA NEW YORK.