200-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH OO GAARAY YEMEN.

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN.

(ADEN/YEMEN)-BREAKING NEWS:-Wararka laga caasimadda ku meel gaarka ah ee dalka Yemen ee Cadan ayaa sheegaayo in Agaasinka Razuum ee Gobolka Shabwa ayaa sheegeen in xeebta Kida ee aagga AL Ceyn ay Sabtidii doraad ahayd ey gacanta ku soo dhigeen dufcad cusub oo muhaajiriin sharci darro ah, oo ka kooban ilaa laba boqol(200) oo muhaajiriin kasoo jeedo dalka Itoobiya ah, badankooda Muhaajiriinta ayaa ah rag waa weyn oo wada qaangaar ah, kuwaas oo ku yimid doon kuwa dadka lagu tahriibiya ah oo lagu magacaabo "AL Farouk",waxaane doonta la socday shan badmaaxiin Soomaali ah, sida laga soo xigtay bogga internetka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Inta badan Muhaajiriinta ka timaado bariga una badan Itoobiyaanka ayaa isaga kala gudba dalka Yemen iyo wadamadda Gacanka si ey halkaasi uga helaan nolo,dhaanta midii ey isaga soo carareen. Tahriibayaasha Bariga Afrika ayaa ah kuwa aan joogsan sannadka oo dhan waayo nolosha amniga hadda ka jirta Bariga Afrika ayaa ah mid aad u liidata dhallinyaradan ku qasbeysa iney isaga tagaan dhulkooda hooyo.

ISHA WAKAALADDO.

Previous
Previous

QARAX BOORSO LAGU KEENAY OO KA DHACAY MONACO.

Next
Next

STADE TOOGASHO KA DHACDAY AYAA LIX QOF EY KU DHINTEEN.